U bood dhigaalka

AKHRISO: Liiska Musharraxiinta Aqalka Sare Ee Somaliland

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka dadban ee Heer maamul goboleed, Somaliland ayaa soo saaray musharraxiinta xubnaha aqalka sare u tartamaya ee gobollada Waqooyi (Somaliland)

Musharraxiintan ayaa loo  kala qeybiyey gobollada kala ah Waqooyi Galbeed, Togdheer, Awdal iyo Sanaag.

Wadarta guud ee kuraasta ay aqalka sare ka heleen gobollada Waqooyi waa 11, 2 kamid ah waxaa kaliya u tartamaya Haweenka, iyadoo ay jiraan haween kale oo tartan la geli doona ragga.

Gobolla Waqooyi ayaa kuraasta loo kala siiyey sidan:

Waqooyi Galbeed: Waxa loo  qoondeeyey 3 kursi waxaana kuraastaasi u tartami doona 7 musharrax.

Togdheer: Waxaa loo qoondeeyey 3 kursi, waxaana kuraastaasi u tartami doona 8 musharrax.

Awdal: Waxaa loo qoondeeyey 3 kursi, waxaana kuraastaasi u tartami doona 7 musharrax.

Sanaag: Waxaa loo qoondeeyey 2 kursi, waxaana kuraastaasi u tartami doona 9 musharrax.

Hoos ka akhriso Magacyada Musharraxiinta iyo sida loo tartamayo:-

a1

a2

a3