U bood dhigaalka

Akhriso: Maamullada Laga Fulin-doono Talaalka Cudurka Dabeysha

Sheeko:Caafimaadka

Dowladda Soomaaliya ayaa bilaabeysa ololaha talaalka cudurka dabeysha, ololahan ayaa caruurta la siin-doonaa talaal afka ugu dhibcinaya ilmaha yar gaar ahaan nooca 2aad.

Ololahan looga hortagayo dabeysha, lana dhisayo difaaca jirka ee caruurta Soomaaliyeed ayaa waxaa uu marayaa labo weji.

Wejiga 1-aad waxaa uu soconayaa June 23 ilaa 26 halka wejiga 2-aad uu socon-doono min July  21 ilaa 24, ee sanadkan.

Ololahan sida la sheegayo waxaa lagu bartimaameedsan-doonaa ilaa 20 degmo oo ka Somaliland iyo Puntland.

March, waxaa cudurkan laga talaalay in ka badan  3.1 million oo da’doodu ka yartahay 5 sano, waxaa laga talaalay noocyada 1 iyo 3.

Goobjoog News