U bood dhigaalka

Akhriso: Macalimu Oo Ka Hadlay Qabsoomidda Doorashada NUSOJ iyo Waxqabadkiisa

Sheeko:Dalka, War

Ururka saxafiyiinta qaranka ee NUSOJ  ayaa shaaciyay waqtiga ay dhaceyso doorashada hoggaanka guud ee ururka, kaas  oo sedexdii sanaba mar la soo doorto.

Waa doorasho ay ka qeyb galaan dhammaan saxafiyiin Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala yimaada gobalada dalka iyo kuwa kunool magaalada caasimada ah ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku doortaan hoogaankooda.

Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ  Maxamed Ibraahim Mocalimow, oo  saxafiyiinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada ay dhici doonto 27 bisha June 2019-ka,  asaga oo sidoo kale ka war bixiyay wixii u soo qabsoomay muddadii sedexda sano aheyd  ee la soo dhaafay.

“Maanta si rasmi ah suxufiinta Soomaaliyeed aan gacantooda ku soo celino waqtigii naga dhammaaday oo lana qabanaayo doorasho, waxaan si cad u shaacinaynaa in maalinta taariikhdu tahay 27 ka bisha June 2019 -ka in Muqdisho lagu qaban doono shir weynihii golaha suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeyb galiya dhamaan saxfiyiinta oo ka kala imanaya gobalada dalka waxaana la qabanayaa doorashadii Ururka”.

Sidoo kale Macalimow oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in ururka sedexdii sano ee la soo dhaafay ay wax badan ay u qabsoomeen, waxa uuna xusay in ay meel aad u hooseyso ay wax ka soo bilaabeen maantana ay marayaan meel aad u wanaagsan.

“ Waxa aan wax ka  bilownay heer hoose xitaa annaga oo aan xafiis la heyn meel aan aad aanan aqoon ayaan howl bilaawnay,  hoggaanka hadda joogana  aa la doortay , maanta waxaa Allah mahadiis ah inaan leenahay xafiisyo shaqeeyo”.

Dhanka kale Maxamed Ibraahim Macalimow, ayaa xusay intii maalkaan uu jiray in saxafiin badan oo Soomaaliyeed ay siiyeen tabaro la xariira Saxaafadda, kuwaas oo ku kala sugan gobalada dalka.

“ Waxaad ogtihiin tababarro in aan ku qabannay meel weliba oo waddanka ah ma jiro dowled gobaleed mar ama dhowr jeer aan lagu noqon inuusan jirin, waxaana doonayaa inaan halkaan ugu mahad celiyo Faarax Cumar Nuur,  oo ah  ustaadkii tababaradaas noo fulinayay”.

Ugu danbeyn xoghayaha guud ee Ururka NUSOJ  waxa uu sheegay intii lagu jiray sedexdii sano ee na soo dhaafay in ay ilaaliyeen inuu dhaco wax Musuqmaasuqa oo lagu sameeyo dhaqeele loogu talagalay wariye dhintay ama uu dhaawmay ayna ku guuleysteen in wixii loogu tala galay ay gaaraan.

” Waxaan aheyn had iyo jeer haddii wariye dhib uu ku dhaco inaan aheyn kuwii u doodaayay, waxaan la dagaalnay inuu Musumaasuq dhaco, waxaad ogtihiin dad agooman ah ama dhaawaca waxooda la qaadan jiray waxa aan sameynay hab cad oo ah in qofka iyo hay’adda wax siinaysay aan isku xiraynay si ay meeshaba uga fogaato inuu wax mugdiyanba uu yimaado”

Goobjoog News