U bood dhigaalka

AKHRISO: Madaxda Galmudug Oo Ku Kala Qeybsamay Go’aankii Xiisadda Khaliijka

Sheeko:Dalka

Madaxda ugu sarreysa maamulka Galmudug ayaa ku kala qeybsan go’aan xalay kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulkaasi Mudane Xaaf, kaasi oo lagula saftay xulufada Sacuudiga.

War-saxafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi iyo ku xigenkiisa ayaa lagu sheegay in go’aankii Xaaf aanu ahayn mid wadatashi ku yimid.

Qoraalkooda hoos ka akhriso:

Warqad-1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale, madaxweyne Xaaf ayaa xafiiskiisa qoraal gelinkii dambe ee maanta laga soo saaray waxaa mar kale lagu sheegay in Galmudug xaq u leedahay go’aankii ay ka qaadatay xiisadda Khaliijka.

Halkaan hoose ka akhriso:

Dastuurka ku meelgaarka ah qodobkiisa 53 aad wuxuu dhigayaa in
1. Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.

2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad- goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

3. Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeedana ka muuqtaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Dawlada Federaalka ah kuma salayn go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka xiriirka soo jireenka ah iyo danta joogtada ah ee kala dhaxaysa Dawladaha Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn. Taa bedelkeeda waxay ka doorbiday in ay taageerto Dawlada Qatar oo taageerta kooxaha aragagexisada ah, iyadoo loogu aabul naqayo qarashkii ay ku bixisay doorashada Madaxweyne Farmaajo ee uu garwadeenka ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha Mudane Fahad Yaasiin. Waxaana go’aanka u qaadanay in aan ilaalino xiriika Istiraatiiji iyo kan diblomaasiyadeed, danaha Ganacsi iyo kan Diineed ee Soomaaliya kala dhexeeya dawladaha afarta ah.

Waxaan uga digaynaa Dawlada Federaalka faragelinta qaawan ee ay ku hayaan maamulka Galmudug. Waxaa wax laga xumaada ah in ay Galmudugu la soo dhexgalaan kala qoqobid iyo caadifad qabiil. Galmudug uma dulqaadan doonto faragelinta iyo dhiilada qabiil ee ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu horay ugula kaceen Hirshabelle.

Waxaan ugu baaqaynaa Siyaasiyiinta, Odyaasha, Waxgaradka, Aqoon yahanka, Ganacsatada, iyo Culimada kasoo jeeda Galmudug in ay meel uga soo wada jeestaan si wadajir ahna uga hortagaan daandaansiga iyo dhiilada lagu hayo Shacabka Iyo Dawlad Goboleedka Galmudug.

Dhamaad

Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug