U bood dhigaalka

Akhriso: Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magacaabay Guddiga madaxa banaan Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Guddigan ayaa ka kooban 7 Xubnood, waxaana Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe lagu sheegay in Guddiga la Magacaabay markii la arkay baahida loo qabo guddi madax banaan oo masuuliyad gaar ah iska saara maamulka xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.