U bood dhigaalka

Akhriso: Madaxweyne Qoorqoor Oo Magacaabay Guddi Ka Shaqeynaya Xafladda Caleema Saarkiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqqor ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doona qabanqaabda xafladda caleema saarkiisa, waxaana guddigaasi ka soo muuqday masuuliyiin hore.

Guddigan ayaa ka kooban 12 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Yuusuf Garaad Cumar oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhinaca kale guddigan ayaa la sheegay in iyagu ay soo saari donaan waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono xafladda caleema saarka madaxweynaha Galmudug.

Halkan ka akhriso guddiga la soo magacaabay

 

Goobjoog News