U bood dhigaalka

Akhriso: Magacyada 11 Xildhibaan Oo Codsaday Dib-u-dhigista Arrinta DP World

Sheeko:Baarlamaanka

Ilaa 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa codsaday dib-u-dhigista arrinta DP World iyo in xukuumadda looga dambeeyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi oo ka hor hadlay Golaha Shacabka ayaa sheegay in warbaahinta caalamka, tan gudaha iyo baraha bulshada intaba qabsadeen heshiiska DP World ee la xiriira heshiiska ay la galayaan dekadaha Soomaalida.

Xildhibaannadan mooshinka saxiixay waxaa ay codsadeen in dib-u- dhig lagu sameeyo, lagana  saaro ajendaha  Golaha Shacabka si loo helo war sugan oo ku saabsan arrintan oo laga wareysanayo xukuumadda iyo ra’isulwasaaraha kadib marka ay keenaan kana doodaan natiijada wixii ka soo baxa.

Magacyada Xildhibaannada Saxiixay Mooshinka Dib Loogu Dhigayo Arrinta DP World:

1.      Maxamed Cumar Carte Qaalib

2.      Cabdi raxmaan Ibbi

3.      Axmed Maxamud Sheekh(Dhagaweyne)

4.      Maxamed Ibraahi Cabdi (Diyeeshe)

5.      Cali Maxamed Muuse

6.      Aamino Cumar Jaamac

7.      Huda Axmed Cali

8.      Axmed Maxamed Jaamac

9.      Faadumo Ismaaciil Xuseen

10.  Aamino Sheekh Cusmaan’

11.  Faadumo Xasan Cali

Goobjoog News