U bood dhigaalka

Akhriso Magacyada 5 Ruux Oo Ay Al-shabaab Ku Toogteen Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxay deegaanka Kuntuwaarey ee gobolka Shabellaha Hoose ku toogteen Shan qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Waxay Al-shabaab goob fagaare ah isugu yeereen shacab badan oo deegaanka ah si ay u daawadaan dadkan la tooganayo.

Raggan la toogtay waxaa dhammaantood lagu eedeeyay la shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya.

Magacyada ragga la diley iyo da’dooda:

C/qaadir Cumar Xasan oo 23 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay la shaqeynta maamulka degmada Qoryoole.

C/qaadir Shukri Xasan oo 30 sano jir ahaa, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka DFS.

Maxamed Abshir Cali oo 35 jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeyn jiray ciidamada Itoobiya.

Cali Axmed Sheekh Cali oo 30 sano jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka DFS.

Cali Yuusuf Axmed oo 36 sano jir ahaa, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayey dowladda Kenya.

Al-shabaab ayaa sidan oo kale u toogatay dhallkinyaro badan oo ay ku eedeeyeen la shaqeynta dowladda Federaalka iyo sidoo kale ciidamada dalka u jooga howlgalka AMISOM.

Goobjoog News