U bood dhigaalka

Akhriso: Magacyada Axsaabta La Guddoonsiiyay Shahaadada Iyo Guddoomiyeyaashooda

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu guddoonsiiyay shahaaddo illaa 7 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo horay isku diiwaan-geliyay, tiiyoo rasmi ka dhigtay in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam xisbiyo badan kadib 48 sano.

Hadaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa magacyada axsaabta shahaadada la siiyay, guddoomiyeyaashooda iyo xarunta.

Halkan Ka Akhriso

1. Xisbiga Garsoor, Waxaa guddoomiye u ah Zakariye Maxamud Xaaji oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

2. Xisbiga Midnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaa guddoomiye u ah Salaad Cali Jeelle, oo horay usoo noqday wasiir ku-xigeenka gashaandhigga ee Soomaaliya, Xaruntiisa waa Muqdisho.

3. Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda, Waxaa guddoomiye ka ah Fowsiyo Xaaji Aaden, oo horay usoo noqotay ra’isul wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda, xarunta xisbiga waa Muqdisho.

4. Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga,  Waxaa guddoomiye ka ah Cali Maxamed Tima-jilic, Xarunta Muqdisho.

5. Xisbiga Umadda Soomaaliyeed , waxaa guddoomiye ka ah Cabdirashid Maxamed Cali, Xaruntiisa Garoowe

6. Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed , Waxaa guddoomiye ka ah Yaasin Maxamed Macalin (Yaasin Maaxi), xaruntiisa waa Sweden

7. Xisbiga Horumarinta; Suleymaan….lama yaqaano

Axsaabtan shahaadada la siiyay waxaa ay horudhac u yihiin kuwoo badan oo sugaya in la siiyo shahaado iyo qaar kale oo aan weli diiwaan-gelin, waa tilaabo loogu dhawaanayo in Soomaaliya ka guurto qaabka qabaliga ah oo u guurto in dadka isku baheystaan qaab fikir iyo aragti ah iyo doorashada 2021-ka noqoto mid axsaab.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada