U bood dhigaalka

Akhriso: Magacyada Ay Golaha Shacabka Ugu Yeereen Arrimaha Amniga

Sheeko:Dalka

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sabtida yeelan doona kulan ku saabsan amniga, waxaana laga rabaa hey’adaha amniga iney faah-faahin ka bixiyaan siyaasadda amniga ee dalka.

Xubnaha loo yeeray ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)