U bood dhigaalka

Akhriso: Magacyada Guddoonka Guddiyada Golaha Shacabka Oo Dhameystiran

Sheeko:Baarlamaanka

Bishan 17-keedii waxaa la soo gabagabeeyay doorashada guddoonka 14-ka ah ee guddiyada golaha shacabka uu ka kooban yahay, waa illaa 14 guddi oo mid weliba uu leeyahay guddoomiye, goddoomiye ku-xigeen iyo hoghaye.

Doorashada oo dhacday 13, 15, 16 iyo 17ka  bishan ayaa maanta golaha shacabka la horkeenay liiska guddoonka guddiyada golaha  oo dhameystiran.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Magacyada Guddoonka Guddiyada Golaha Shacabka:

Guddiga Xuquuqul Insaanka: Guddoomiye Xildhibaan Sagal Isaq Biixi, Guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Maryan Maxamud Ciise iyo Xoghaye Xildhibaan Ikran Aden Absuge.

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga: guddoomiye Xildhibaan Cabdullahi Godax Barre, guddoomiye ku xigeen Xildhibaan Cabdifitax Maxamed Cali iyo Hoghaye Xildhibaan Ibrahim Maxamed Xuseen.

Guddiga Beeraha: guddoomiye Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano-nuug, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Aden Ibrahim Dhaayow iyo Hoghaye Ibrahim Maxamed Xuseen

Guddiga Howlaha Guud: guddoomiye Xildhibaan Cabdifitaax Ismaciil Daahir, goddoomiye ku-xigeen Farxiyo Xasan Axmed iyo Hoghye Farxiyo Muumin Cali.

Guddiga Xeer-hoosaadka: guddoomiye Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Faadumo Faarax Ibrahim iyo Hoghaye Sharma’arke Suleyman Buraale.

Guddiga Dib-u-heshiisiinta: guddoomiye Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandhi, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Macalin Aden Cadow iyo Hogaye Yusuf Xeyle Jimcaale.

Guddiga arrimaha dibadda: guddoomiye Xildhibaan Cabdulkadir Cosoble Cali, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Sacdiya Yasin Xaaji Samantar iyo Hogahye Xildhibaan Biixi Iman Cige

Guddiga Arrimaha Gudaha: guddoomiye Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax(Geesey) iyo Hogahaye Maxamed Cabdi Ibrahim.

Guddiga Difaac: guddoomiye Xuseen Carab Ciise, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaq(Afaraale) iyo Hogahaye Xildhibaan Saadaq Xirsi Warfaa.

Guddiga Warfaafinta: guddoomiye Xildhibaan Khaalid Macow Cabdiqadir, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Amina Cumar Jaamac iyo Hoghaye Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi.

Guddiga Adeegga Bulshada: guddoomiye Xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo Hoghaye Xildhibaan Dahabo Susuow Maxamud.

Guddiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga: guddoomiye Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Daahir Maxamud Muuse iyo Hoghaye Xildhibaan Axmed Maxamed Sh. Maxamed.

Guddiga Maaliyadda: guddoomiye Xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Maxamed Aden Macalin Soomaali iyo Hoghaye Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur.

Guddiga Garsoorka: guddoomiye Xildhibaan Sharif Sheekh Maye, guddoomiye ku-xigeen Xildhibaan Cali Yusuf Cusmaan iyo Hoghaye Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar.

Dhinaca kale,  golaha shacabka horay April 10-keeda waxaa uu doortay shan(5) xubnood oo u matali doonta guddiga la-socodka dib-u-eegista dastuurka kuwaas oo kala ah:

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle(Col. Ruushka), Xildhibaan Burhaan Aden Cumar, Xildhibaan Cabdirashid Maxamud Xasan, Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Kaamil.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Goobjoog News