U bood dhigaalka

Akhriso: Magacyada Xildhibaannada Aqalka Sare Ee Diiday In Laga Hadlo Qalbi-dhagax, Kuwa Ogolaaday iyo Inta Ka Aamustay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta ku kala qeyb-samay ka doodista arrintii ku saabsaneed  sida ay xukuumadda Cali Kheyre ku dhiibtay Cabdikarim Qalbi-dhagax.

Guddoonka golaha aqlka sare ayaa axaddii waxaa ay isku raaceen in laga doodo arrinta Qalbi-dhagax, isla markaana go’aan laga gaaro sax iyo qalad ahaanshiyaha wixii dhacay, Laakin waxaa arrinkaasi maanta ka biyo-diiday Senatarro golaha ka tirsan.

Xildhibaannadan 21-ka ah, waa Xildhibaannaddii diiday in aqalka sare uu ka hadlo arrinta Qalbi-dhagax iyaga oo howsha gacanta u geliyay golaha shacabka.

Magacyada Xildhibaannada Diiday in Arrinta Qalbi-dhagax Laga Doodo:

  1. Ayuub Ismaciil Yusuf
  2. Iftin Xasan Mursal
  3. Xuseen Cali Xaaji
  4. Cabdisalaam Xaaji Maxamed
  5. Saciid Cabdi Xuseen
  6. Yusuf Geelle Ugaas
  7. Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex
  8. Axmed Cabdi Xafid Maxamud (Bulsho)
  9. Cabdi Axmed Dhuxulow
  10. Zamsam Ibrahim Cali
  11. Fartun Cabdiqadir Karaama
  12. Deeqa Xasan Xuseen
  13. Axmed Cabdi
  14. Abokar Axmed Xaashi
  15. Timiro Maxamed Cali
  16. Naciimo Ibrahim Yusuf
  17. Jawaahir Axmed Cilmi
  18. Cabdullahi Cabdi Garuun
  19. Bootaan Barre Bootaan

Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee aqalka sare Maxamed Salaad Cismaan waxaa jiray 2 Xildhibaan oo horay aan ugu jirin Liiska Senatorada ku doodayey in maanta aan laga hadlin Arrinta Qalbi-dhagax balse ku biiray liiskaas markii codka la geliyay…Labadan Xildhibaan waa:

  1. Xasan Faarax Xujaale
  2. Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan Jurille.

Dhinaca kale, waxaa jiray Xildhibaanno aqalka sare ka tirsan oo aad u jeclaa in maanta laga dodo dhiibista xukuumadda Kheyre ee Cabdikarim Qalbi-dhagax, Xildhibaannada oo 11 ahaa waxaa looga adkaaday codbixintii la qaaday.

Magacyada Xildhibaannada Taageersanaa In Laga Doodo Maanta Dhiibista Kheyre ee Qalbi-dhagax:

  1. Muuse Suudi Yalaxow
  2. Maxamed Amiin Shiiq Cusmaan
  3. Muna Cumar Xasan
  4. Axmed Xaashi
  5. Nuuro Faarax Jaamac
  6. Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)
  7. Maxamed Xuseen Raage(Surwaal-weyne).
  8. Mustaf Maxamed Qoodax
  9. Cabdikarim Maxamed Xasan
  10. Cabdirisaq Axmed Ibrahim
  11. Cusmaan Axmed Macow

Xildhibaannada ka Ammusay oo 4 ahaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Cabdillahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
  2. Maxyudin Sheekh Cali Jaamac,
  3. Ilyaas Cali Xasan
  4. Zamsam Daahir Maxamud

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,