U bood dhigaalka

Akhriso: Magacyada Xildhibaannada Maanta Lagu Doortay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose waxa Maanta lagu dootay 5 xildhibaan oo mid ka mid ah ay dumar tahay.

Xubnahan lagu doortay Magaalada Kismaayo ayaa ku biiraya Xildhibaannada Baarlamaanka ee lagu doortay Magaaladaasi dhowaan kaga soo baxay tartannkii ka dhacay.

Tartan dheer kadib oo ka dhacay xarunta doorashada ee Kismaayo waxaa ku soo baxay afar rag ah iyo hal dumar ah.

Mudanayaasha maanta la doortay oo ka kooban Shan ayaa kala ah:

  • Sahro Xaaji Xuseen
  • Maxamed Nuur Iftiin
  • Cambaro C/qaadir Maxamed
  • Cismaan Sagaar Ibraahim
  • Cabdi Fitaax amaxamed Cali.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmahan jawigeedu uu ka gedisnaa sidii uu ahaa waxaana jira mashquul badan oo arrimaha doorashadaqa aqalka hoose ah.

Goobjoog News