U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Amniga Jubbaland?

Sheeko:Amniga
Madaxwaye ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir-guddoomiyey shirka billaha ah ee golaha amniga Jubbaland,kaas oo maanta ka qabsoomay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay golaha amniga Jubbaland oo ka kooban Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, Wasaaradaha Amniga, Arrimaha gudaha iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha ciidanka Jubbaland iyo xoogga dalka, Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose iyo saraakiil kale.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee Jubbaland iyadoo lagu jiro xilli doorasho, sidoo kalena ay foodda nagu hayso bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo la wada xusuusan yahay in kooxaha nabad-diidku ay labo-jibaarraan falalkooda amniga liddiga ku ah bisha Ramadaan.
Golaha amniga Jubbaland ayaa intii shirku socday waxay bogaadiyeen howlgalada nabadgelyada lagu xaqiijinayo ay wadaan laamaha amniga, waxayna guddoomiyeen in la xoojiyo howlgalada si dhabarka looga jebiyo dhagarta kooxaha nabad-diidka ah.
Sicir bararka oo dhibaato ba’an ku haya qaybaha bulshada ayey sidoo kale goluhu ka doodeen, waxaana la go’aamiyey in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto sicirka hoosna loo dhigo qiimaha macayshadda kala duwan oo hadda aad u sarreeya.
Markii uu soo idlaaday shirka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka wasaaradda Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali Joofane, wuxuuna ka warbixiyay muhiimadda shirka oo lagu soo koobay qodobada hoose.
1. In la joogteeyo shirarka amniga si xogta amnigu u noqoto mid xilligeeda la helo loona bedelo ficil.
2. In si deg deg ah wax looga qabto sicir bararka baahsan ee hadda jira, guddina loo saaro sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha macayshadda ee kor u kacay.
3. In wasaaradda Arrimaha gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalku ay qabato shirar lagu xallinayo khilaafaadka bulshada kala gaaray ee ka dhashay loolanka doorashada.
4. In laamaha amnigu ay Wasaaradda Caddaaladda garab ka siiyaan la-dagaalanka mukhaadaraadka iyo anshax xumada ka dhacda xeebaha loo dalxiis tago ee magaalada Kismaayo.
Goobjoog News