U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Keenay Khilaafka Madaxda Galmudug?

Sheeko:Dalka

Kadib mowqif maanta ay arrinta Galmudug ka soo saareen 8 Senator iyo 27 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee laga soo doortay deegaankaas, waxaa ku cad in dhibaatada maamulka ay ka dhalatay kadib markii la hareer maray heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna ay December sanadkii hore ku gaareen dalka Djibouti.

Xildhibaannada federaalka ah waxaa ay qoraalkooda ku sheegeen “Qaabka loo hirgaliyey heshiiskii jabuuti in uusan ahayn mid waafaqsan qodobadii heshiiskaas ku xusnaa gaar ahaan qaabka la isugu daray labada barlamaan oo aan isku dheelitirnayn & inaan la tixgalin awood qeybsigii beelaha reer Galmudug ku heshiiyeen.

Xildhibaan Garaad  Yusuf Maxamud oo ka tirsan baarlamaanka Galamudug ayaan wax ka weydiinnay cabashada jirta iyo qaabka wax looga qaban karo.

Xildhibaan Garaad waxaa uu sheegay in qodobbada heshiiska Djibouti ay ku jireen in si simman loo qeysado baarlamaanka, lana tixgeliyo awood-qeysiga beelaha, laakin taasi iska indho-tireen Alhu-sunna iyaga oo keenay baarlamaan ka kooban 118 Xildhibaan halkii laga rabay 89 Xildhibaan.

Arrinta kale oo Ahlus-sunna lagu heysto sida Xildhibaanka sheegayo waa in aaney tixgelin awood qeybsiga beelaha dega Galmudug, waxaa intaas dheer,  waxaa baarlamaanka Ahlu sunna ku jira dadka ka soo jeeda Puntland iyo Hirshabeelle, oo beelahooda aaney degin Galmudug.

Xildhibaannada baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa soo-jeediyay in mudada xil-haynta hey’adaha sharci-dejinta iyo fulintu ay ku kala eg tahay sida uu qabo dastuurka Galmudug bilaha Juun 2019 & July, 4 2019 sida ay u kala horeeyaan……taasi oo ay ka muuqato in Galmudug sanadka soo socda ka dhici-doonto doorasho guud.

Baarlamaanka Galmudug oo bartamihii 2017-kii anisixyay in bishii gunno ahaan qaataan $1000 ayaa la sheegayaa in aanay muddo sanad helin wax mushaar .

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Heshiiska Djibouti Ku Gaareen Galmudug iyo Ahlu sunna: