U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Lagu Ansixiyey Kulankii Golaha Aqalka Sare?

Sheeko:Baarlamaanka

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo horyiillay golahaasi,

Kulankaan oo ahaa kii 20-aad ee Kalfadhiga 6aad waxaa shir Guddomiyay Guddomye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .

Golaha Aqalka sare BFS ayaa ansixiyey wax-ka bedelka sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka ,kaas oo ay u codeeyeen ama ay ogolaadeen 30 senatar.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa xubnaha  u soo gudbiyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedyadaasi.

Goobjoog News