U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Shirkii Xalane?

Sheeko:Amniga

Waxaa xarunta Xalane ee magalada Muqdisho ka dhacay shir looga hadlaayey arrimaha doorashooyinka dalka iyo weliba sidii loo sugi lahaa amniga guud goobaha ay ka qabsoomayaan doorashooyinka Baarlamaanka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka socotay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo wakiillada Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dowladda Mareykanka.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa aad loo falan qeeyey sidii loo sugi lahaa ammaanka goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka, waxaana maamul goboleedyada loogu baaqay in ay sugaan amniga goobahaas, maadaama maamul weliba labao magaalo oo kamid ah loo asteeyey in ay ka dhacdo doorashada lagu soo dooranaayo Baarlamaanka 11-aad federaalka.

La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Amniga Cabdisaciid Cali oo ka qeyb galay shirka ayaa sheegay in sidoo kale lagu soo qaaday shirka in beesha caalamka ay taageero siiso hey’adaha ammaanka si ay u sugaan goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan.

Dooraashooyinka Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay bilowdaan dabayaaada sanadkaan, waxaana qorshuhu yahay in maamul gobleedyada mid kasto uu labo magaalo ku qabto doorashooyinka sida lagu xusay heshiiskii dhowaan ay Muqdisho ku gaareen Villa Somalia iyo maamul goboleedyada.

Goobjoog News