U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacab?

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka looga hadli doonaa , Akhrinta 1aad ee Heshiiska  dowladda federaalka Soomaaliya iyo Turkiga ay wada galeen iyo xeerka astaynta kuraasta golaha shacabka ee Baarlamaanka soo aadan ee 2021-ka.

Golaha ayaa markii dib loogu soo laabtay kalafadhigii 7-aad ayaa waxaa ay ku guuleysteen meel marinta asteynta kuraasta gobolada Woqooyi ee baarlamaanka, iyo xeerka matalaadda Muqdisho ee Aqalka sare oo 13 xubnood ah.

Goobjoog News