U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta  kulan ku yeelanaya xarunta KMG ee Villa Hargeysa ee magaalda Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista xeerka qoondada haweenka oo kamid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah loo xil saaray iney soo diyaariyaan.

Kulanka maanta ayaa waxaa uu kamid yahay kalafadhiga 7-aada ee golaha shacabka, kaas oo ah midka ugu dambeeyo muddo xileedkiisa, waxaana horyaallo ajendayaal badan, sida dib-u eegista dastuurka dalka.

Goobjoog News