U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Golaha Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maalmihii ugu dambeeyay meel marinayay sharciyada qaar ee dalka ayaa maanta kulankooda waxa ay uga hadli doonaan sharciga jaangooynta dalka.

Mudanayaasha golaha aqalka sare ayaa lagu wargaliyay in maanta goluhu uu ka doodi doono sharciga jaangooynta dalka iyada oo sharcigaasina la marsiino doono akhrintiisa 2-aad.

Sharcigan ayaa waxaa horay u soo meel mariyay xildhibaanada golaha shacabka, waxaana la filayaa in marka la mariyo akhrinta 3-aad ay sharcigan meel mariyaan xildhibaanada golaha aqalka sare.

Sharciga jaangooynta dalka ayaa horay waxaa u soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News