U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannnada golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan ku heeshaan xanuta Villa hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Anjandaha kulanka golaha ayaa waxaa uu yahay in akhrinta 2-aad ay marsiiyaan Hindise-sharciyeedka Nootooyinka, kaas oo golaha akhrintii 1-aad ay ku soo marsiiyeen kalafadhigii 6-aad.

Kalafadhiga 7-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaallo ajandayaal waa weyn, sida sharciga Xisbiya iyo  dib -u eegista dastuurka dalka

Goobjoog News