U bood dhigaalka

Akhriso: Maxay Goobjoog u Sheegeen Wasaaradda Caafimaadka Df  iyo Dr. Maxamed Fuje?

Sheeko:Dalka

Iyada oo la duulayo cod ku faafay baraha bulshada kaas oo Dr. Maxamed Fuje oo ah madaxii hore ee xafiiska hey’adda WHO ee Soomaaliya uu ku sheegay in 64 god laga qoday saacado gudaheed qubuuraha cusub ee Barakaat , dhici kartana inuu yahay Coronavirus ayaanu raadinnay xaqiiqda arrintan la xiriirta.

Marka hore,  Dr. Maxamed Fuje oo arrinta codka kala hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegayaa in ay saaka baaritaan u baxayaan isaga iyo saraakiil caafimaad ee kale si loo xaqiiqsado wax dhacay isaga oo balanqaaday in natiijada uu la wadaagi-doono warbaahinta.

Dhankiisa,  Cabdirisaq Axmed Yuusf oo ah maamulaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan Coronavirus ahna madaxa tayada daawooyinka  oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in saraakiil caafimaad oo ka socda wasaaradda caafimaadka ay booqdeen qubuuraha Barakaat, kuwa Jaziira iyo xataa qubuuraha 13KM ee duleedka Muqdisho isla markaana ay xaqiijiyeen in Qubuuraha Barakaat tusaale ahaan aan lagu aasin wax 10 qof ka badan 5-tii maalin ee la soo dhaafay hadalka Dr. Fujena aanu xaqiiq iyo baaris dhab ah aheyn.

Cabdirisaq Axmed Yuusf, maamulaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan Coronavirus ayaa intaasi ku daray in wasaaradda ay wacday ehelada dadkii geeriyooday maalmihii tahay isla markaana lagu ogaaday in dadkaasi aaney u dhimman xanuunno u dhow calaamadaha Coronavirus.

Goobjoog News inkasta oo ay iskudeday xiriirro qubuuraha Barakaat ah, weli uma suurogelin, wixii kordhana la socda.

Goobjoog News