U bood dhigaalka

Akhriso: Maxay Kawada Hadleen AMISOM iyo Maamulka Galmudug?

Sheeko:Amniga

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Midowga Africa ee AMISOM Francisco Madera.

Labada masuul ayaa kawada hadlay Xiriirka AMISOM  iyo dowlad gobolleedka Galmudug iyo waliba qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 ee lagu jiheeyay doorashadda Soomaaliya.

Cali Daahir Ciid ayaa masuuliyiinta AMISOM  kala hadlay sidii loo xoreyn lahaa deegaanadda galmudug ee ay kaga sugan yihiin Al-shabaab  loogana garabsiin lahaa Dowlad goboleedka Galmudug in ay gacanta ku dhigaan amaanka guud ee Galmudug.

Goobjoog News