U bood dhigaalka

Akhriso: Maxay Kawada Hadleen Guddoonka Aqalka Sare iyo Safiirka Dowladda Sweden?

Sheeko:Amniga
Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.
Guddomiyaha iyo Safiirka ayaa kulankoodu ahaa is xogwaraysi xaaladda Guud ee waddanka, hadda marayo, meesha loosocdo, waxay ka wada hadleen shaqada Midowga Yurub iyo gaar ahaan Sweden ka wadaan Soomaaliya,
Guddoomiyaha ayaa safiirka waxaa uu sidoo kale kala hadlay sidii Midowga Yurub arrimaha  arrimaha Dib-u-eegista Dasturka, doorashooyinka iyo sidii mustaqbalka loo xaqiijin karo in Soomaaliya gaadho doorasho qof-iyo-cod ah.
Goobjoog News