U bood dhigaalka

Akhriso: Maxay Kawada Hadleen Safiirka Midowga Yurub iyo Ra’iisalwasaare Kheyre?

Sheeko:Amniga

Safiirka Midowka Yurub u fadhiya Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa maanta magalaada Muqdisho kulan kula yeeshay ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’isulwasaare kheyre iyo safiirka ayaa ka wada hadlay sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha oo la filaayo in dalka ay ka dhacaan sanadka 2021-ka.

Sidoo kale waxaa siweyn ay u falanqeeyeen  arrimaha amniga dalka iyo sidii midowga Yurub ay u xoojin lahaayeen kaalinta ay qaataan amniga Soomaaliya. iyo  dhameystirka hannaanka deyn cafinta dalka oo meel wanaagsan gaaray.

Kulanka safiirka uu la qaatay wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo dhowaan Xasan Cali Kheyre uu sheegay in laga shaqeynayo sidii ay  qabsoomi lahaayeen doorashooyinka qaranka.

Goobjoog News