U bood dhigaalka

Akhriso: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Agaasimeyaal Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka Ku Heshay Xatooyo Dadweyne

Sheeko:Baarlamaanka

Maxkamadda gobolka Banaadir, qeybta ciqaabta waaxda tashiga ayaa maanta xukun ka gaartay dacwado ay sheegtay iney la xiriireen xooto dadweyne iyo arrimo kale, 9 qof oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa qeyb ka ahaa kiiskan, waxay dhageysigu socday  14 fadhi.

Cabdullahi Xaashi Cali, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375, 376, xeer ciqaabta, waxaa lagu helay 241 oo ah xatooyo xoolo dadweyne iyo 363 ee xeerka ciqaabta, waxaana lagu xukumay 9 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 59.173.000 SHS ($23660).

Maxamuud Buule Maxamuud, agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka,  ku eedeysnaa qodobada 241, 363, 366, 375,  iyo 376, waxaa lagu helay 241 xatooto xoolo dadweyne iyo 363, 366, 375 waxaa ayna ku xukuntay 18 sano oo xarig ah iyo ganaax lagaceed oo dhan 59.173.000 SH($2366).

Mahdi Abshir Maxamed, madaxa xisaabaadka ee mashruuca wacyigelinta caafimaadka ee wasaaradda, oo lagu eedeeyey  241, 363, 366, 375 iyo 376 waxaa lagu helay 241 xatooyo xoolo dadweyne iyo 363 iyo 375,  waxaa ayna ku xukuntay 12 sano oo xarig ah iyo ganaax lagaceed oo dhan 59.173.000 SHS.($2366).

Bashiir Cabdi Nuur, xisaabiyaha mashruuca Mariyada iyo HIV-AIDS oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375,  iyo 376, waxaa lagu helay 241 oo ah xatooyo xoolo dadweyne iyada waxaana lagu xukumay 3 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 29.575.000 SHS($1183),

Naciima Cabdiqaadir Maxamed, maamulaha mashruuca taran iyo hooyada ee wasaaradda oo ku eedeysan 241, 363, 366, 375 iyo 376, waa lagu waayey qodobada lagu soo eedeyey  waxaa loo celiyey xuriyadeeda.

Axmed Aden Maxamed, agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaradda, kuna eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376, waxaa lagu waayey qodobada lagu soo eedeeyey, waxaana la siiyey xuriyadiisa

Cabdiqaadir Weheliye Afrax, agaasimaha saadka iyo adeegga caafimaadka ee wasaaradda oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376 waxaa u cadaatay waaxda daaweynta, waxaa lagu waayey qodobada, xuriyadiisana waa la siiyey.

Faarax Yuusuf Maxamed, maamulaha mashruuca wacyigelinta ee wasaaradda oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376, waxaa cadaatay inuu yahay madaxa qeybta wacyigelinta talaalka wasaaradda, waxaa lagu waayey qodobada lagu eedeyey, xuriyadiisana waa la siiyey.

Sumaya Axmed Cusmaan, xisaabiyaha mashruuca TB, oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376, waxaa lagu waayey qodobada lagu soo eedeyey, waxaana la siiyey xuriyadda.

Ugu dambeyntii, waxaa la sheegay in maxkamadda ay kala noqotay damaanadda ay dibadda ku joogeen.

Goobjoog News