U bood dhigaalka

Akhriso: Natiijada 6 Kursi Oo Baydhabo Lagu Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu doortay lix kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya  oo horay guddiga doorashooyinka u shaaciyey habraacyadooda, waxaana ku jirta hal kursi oo Dumar ah.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#099 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Axmed Madoobe Nuunow, kaas oo 75 cod kaga guulaystay musharrax Cabdinaasir Ibraahim Aadam, Kaas oo 25 ka helay guud ahaan codadkii Ergadu ay dhiibatay, kursiga waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay xildhibaan marwo Deeqa Xuseen Xasan.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#168 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan xildhibaan Luul Ibraahim Cumar, taas oo 86-cod kaga adkaatay musharrax Nasteexo Axmad Nuur oo 15-cod ka heshay guud ahaan codadkii la dhiibtay, kursigaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Xasan Macalin Xuseen.

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#167 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdisalaam Cali Cabdi, kaas oo 74-cod kaga guulaystay musharrax Cabdi Maxamuud Maxamed uu heley oo 23-cod ka helay guud ahaan codadkii Ergadu dhiibatay, kursiga waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#077 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow, kaas 83-cod kaga adkaaday musharrax xildhibaan Cabdinaasir Cali Xasan oo helay 13-cod, guud ahaan codadkii la dhiibtay waxaa halaabay hal-cod, waxaa kursiga Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey  Isgoowe Deeqow Isaaq.

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#186 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabduqaadir Cumar Macalin, kaas 75 cod kaga adkaaday musharrax Cabduqaadir Aadan Cali oo 25-cod ka helay guud ahaan codadkii la dhiibtay, waxaa halaabay hal-cod, kursiga waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Cabdulqaadir Aadan Maxamed.

6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#261ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Saalax Shariif Sayid Cali, kaas oo 90-cod kaga adkaaday musharrax Ismaaciil Shariif Cali oo ka  helay 10-cod, guud ahaan codadkii ay Ergadu dhiibatay, halka uu xumaaday ha-cod, kursigaan ayaa waxaa ku adhiyey Cabdulqaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan.

May be an image of 4 people and people sitting

Goobjoog News