U bood dhigaalka

Akhriso: Nuxurka Heshiiska Doorashada ee Khamiista Lagu Saxiixayo Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa Khamiista berri ah lagu wadaa in heshiiska doorashada  lagu saxiixo xerada Afisyooni kadib wada hadal socday muddo todobaad ah.

Shirkan oo marka laga reebo ra’isul wasaararaha, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Banaadir ay sidoo kale kasoo qeyb galayaa madaxweyneyaashii hore sida Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo ayaa agu wadaa in marka hore war murtiyeed laga akhriyo, kadib khudbado la galo, xubnaha bulshada rayidka ayaa sidoo kale la casuumay.

Warar horudhac ah oo aan ka helnay shirka ayaa sheegaya in heshiiska uu noqonayo inta badan isafgaradkii guddiyada farsamada ee Baydhabo 15-16-kii February 2021-kii.

Siyaasadda: War-murtiyeedka Khamiista soo baxaya waxaa la adkeyn doonaa in doorashada ka dhacdo labo deegaan doorasho oo maamul goboleed kasta ah iyada oo xal laga gaaray Gedo oo markii hore Farmaajo isku dhejiyey.

Waxaa kale oo sidii hore ahaan doonta tirada cod bixiyeyaasha ee dooran doonta halka kursi oo ah aheyd 101, waa golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo baarlamaannada heer Dowlad Goboleed ay soo dooran doonaan  Xildhibaannada Aqalka Sare e baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddiyadii lagu mursananaa ay isabadal lagu sameeyey, iyada oo la filayo in ra’isul wasaaraha iyo maamul goboleedyada ay soo magacaabaan xubno hor leh.

Waxaa xusid muran in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) oo labo guddi ah oo midka doorashada iyo kan khilaafaadka ah uu ka kooban yahay 25 xubin, oo maamul goboleed kasta mid labo xubin ku leeyahay halka guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed(SEIT) uu maamul goboleed kasta dhisayo 11 xubin.

Arrinta Somaliland: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo odeyga ugu sareeya siyaasiyiinta Somaliland waxaa ay Farmaajo iyo kooxdiisa u diideen in  isaga iyo Mahdi Guuleed ay mid labo xubin ku lahaadaan FEIT, waxaa kale oo loo diiday in la kala barto guddiga SEIT. Guud ahaan 15-ka xubin ee laga sugayo Somaliland waxaa la siiyey Xaashi 5 xubin oo keliya taas oo ka dhigan in Mahdi Guuleed oo ah gacanta midig ee Farmaajo uu inta badan maamulayo doorashada Somaliland.

Amniga: Wararka waxaa ay sheegayaan in amniga doorashada ay sugi doonaan AMISOM iyo ciidamada booliiska iyada oo laga ilaalin doono xoogga dalka iney ku lug yeeshaan siyaasadda iyo arrimaha doorashada, waxaa kale oo la xusi doonaa in booliiska ay noqdaan kuwii hore, ee aan aheyn kuwa gaarka ah ee dhowaan sameystay Farmaajo.

Xulista: In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.

Qoodada Haweenka:  In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.

Jadwalka Doorashada:  Wararka ayaa sheegaya in la dejinayo jadwal doorasho oo macquul ah iyada oo lix bil gudaheed lagu soo gabagabeyn doono dhammaan doorashooyinka 2021-ka. Inta badan waxba iskama badalayaan shuruuradaha laga rabo xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka iyo lacagta laga rabo oo $20,000  aqalka sare iyo $10,000, aqalka hoose.

Maalgelinta: Doorashada 2021-ka, waxaa maalgelin doona deeqbixiyeyaasha caalamka iyada oo dowladda federaalka ah ay qeyb ka noqon doonto.

Goobjoog News