U bood dhigaalka

Akhriso: Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Deni Ee 1-da Luulyo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo habeenim,adii xalay ka qeyb galay xuska 1-da Luulyo, 60 sano guuradii ka soo wareegtay madaxbannaaniodii gobolada Koonfureed iyo israacii labada gobol oo lagu qabtay Gaalkacyo ayuu ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay dhowr arrimood.

Madaxweyne Deni ayaa ayaa aad ugu dheeraaday ahmiyada magaalada Gaalkacyo ay ugu fadhiso umadda Soomaaliyeed iyo dhaqdhaqaaqii lagui raadiyay dowladnimo Soomaaliyeed, waxaana uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo amniga guud ee magaalda iyo guud ahaan gobolka ” Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo taariikh weyn ku leh, dhaqdhaqaaqii xoriyadda iyo baadigoobkii dhismo qaran Soomaaliyeed. Gobolka Mudug waa hoygii uu ka soo jeeday, maskaxdii ka dambeysay SYL ee Yaasiin Xaaji Cusmaan, waa hoygii ra’iisalwasaarihii ugu horeeyey xiligii Daajiliga ee Cabdullaahi Ciise Maxamuud, waa hoygii ra’iisalwasaarayaashii 1-aad iyo2-aad ee Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waa hoyga kuwii nafta isku huray Cabdullaahi Ciise iyo Buuro, waa hoyga madaxdii horseeday heshiiska Gaalkacyo kadib dagaalladii ahliga ahaa” ayuu yiri Siciid Deni.

Sidoo kale isaga oo hadalkiisa siiwato mar uu soo hadal qaaday matalaadda Muqdisho ayuu yiri” Umadda Soomaaliyeed, waxaa ay Muqdisho siisay, wixii ugu wanaagsanaa oo ah in ay magalao madaxdii noqoto. Sidoo kale waxaa ay ku sharfeen, maqaam iyada gaar u ah, oo inta kale aysan ee magaalooyinka Soomaaliyeed la wadaagin.

Dhanka kale Siciid Cabdillaahi  Deni ayaa baaq u diray madaweyne dowladda federaalka Soomaaliya Farmaajo, isaga oo yiri” Waxaan ugu baaqayaa madaweynaha dowladda federaalka Soomaaliya in uu iska ilaaliyo boor isku qarin, oo si xun uusan wax u doonin, oo shacabka walaalaha ah iyo xildhibaannadii fursadda uu madaxweynaha ku noqday siiyey, uusan iska horkeenin, joojiyana falalka ragadinaya dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed, oo ay ugu horeyso faragelinta qabsoomidda doorashada 2020-2021-ka” ayiri madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni.

Ugu dambeyn waxaa baaq u diray hoggaannada kala duwan ee Soomaaliya” Waxaan hoogaanada kala duwan ugu baaqayaa in aysan ku kadsoomin, indhsarcaad  kasto oo keeni kara inaan dib uga noqono meeshaan maanta joogno, oo waqti naf iyo maal nooga soo baxay. Waxaan soo dhoweynayaa baaqa ka soo baxay Baarlamaanka Puntlnad 29-6-2020-ka, taladooda ayaan ku shaqeynayaa aniga oo tixgelinaayo hey’adaha dastuuriga ah ee Puntland”Image may contain: 2 peopleImage may contain: 13 people, people standing and indoorImage may contain: 1 person, standing and outdoor

Image may contain: 10 people, people standing

Image may contain: 10 people

Image may contain: 1 person

Image may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 1 person

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 3 people, people standing

Image may contain: 3 people, people standing

Image may contain: 9 people, people standing

Image may contain: 5 people, people standing

Image may contain: 3 people

Goobjoog News