U bood dhigaalka

Akhriso: Nuxurka Shirkii Wadatashiga Puntland Ee Shalay Ka Furmay Garoowe

Sheeko:Dalka

Waxaa shalay si habsami leh magaalada Garowe ee dowlad gobaleedka Puntland uga furmay shirka wadatashiga aayaha Puntland oo ay ka soo qeyb galeen madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni  iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash, xubno ka tirsan golaha wakiilada iyo madaxdii horay xilka uga soo qabatay Puntland sida Cabdi Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan  Maxamuud  Faroole oo iyagu soo noqday madaxweynayaashii hore ee dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafdi isugu jira wasiirro iyo xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo laga soo soo doorto deegaannada Puntland oo uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Axmed Ciise Cawad, xildhibaanno iyo Senoterro, waxaa kale oo shirka ka soo qeyb galay isimmada iyo siyaasiyiinta kale ee Punland.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdillahi Deni oo shirka furay ayaa ku dheeraaday wixii Puntland u qabsoomay mudadii ay jirtay oo 22 sano ah, isaga oo ku dhawaaqay in bulshada reer Puntland ay muhiim tahay in ay is weydiiso wixii qabsoomay iyo waxaan qabsoomin intaba, sidoo kale  madaxweynaha ayaa xusay in hormar fiican laga gaaray hormarinta kaabayaasha dhaqaale iyo arrimaha bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada heerarkeeda kala duwan, dhismaha ciidanka iyo sare u qaadidda arrimaha ammaanka.

” 22 sano ka dib waxaa muhiim nala noqotay inaan qiimayno isna weydiinno arrimaha soo socda, ahdaaftii Puntland loo aasaasay maxaa inoo qabsoomay, maxaa qabyo inaga ah, maxay yihiin caqabadaha ka jira Puntland dhexdeeda oo u bahan sixidda iyo wax ka qabashada, ujeedooyinkii dowladda Soomaaliyeed oo federaal ah maxaa ka qabsoomay maxaa qabyo ka ah, waa sababta iyo ujeedka aan ugu baaqnay shirka wada tashiga ah si ay uga soo baxaan aragti iyo jiheyn ku aadan wadada ay qaadeyso Puntland mustaqbalka dhow, dhexe iyo kan fog.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Puntland Axmed Cisman Karaash oo shirka ka hadlay ayaa xusay in Puntland mudadii ay jiratay wax badan ay u qabsoomeen waxna ay dhiman yihiin loona baahan yahay in la qabto mustaqbalka dhow iyo midka fog isaga ku amaanay madaxdii ka horeysay in wax badan ay soo qabteen.

” Waxaan ku amaanayaa madaxdii naga horeysay ama xukuumad ha ahaadan oo qori isku dhiibka ahaa oo qaarkood hadda ay fadhiyaan aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa meeshii ay soo garsiiyeen oo annaga aan ka sii anbo qaadnay, waxaan qirayaa in hormar weyn oo wanaagsan la gaaray oo aad arki kartaan, waxaan kale oo aan qirayaa in wax badan ay dhiman yihiin shirkii 1998-kii wixii lagu balamay wax maqan yihiin waxaan isku deyi doonaa inaan xuduudaha sugno oo wixii Puntland ka maqan raadinno oo Puntland oo dhameys tiran aan isgu imaanno “

Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Denjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Puntland ay ka dhabeysay ujeedooyinkii loo aasaasay , isaga oo ammaanay madaxweyne  Deni sida uu dowlad gobaleedka Puntland uu ugu soo kordhiyey maamul wanaagga sida uu hadalka u dhigay.

“Puntland waxyaabihii loo aasaasay 22 sano ka hor waxaa ugu waa weynaa labo u jeedo oo aheyd markii dowladnimadii naga duntay dagaallo sokeeye meel kasto hareeyeen ayaa oo dunida aan ku ceebeysan nahay dayac weyna uu jro, ayaa dadka reer Puntlland isu yimaadeen si ay maamul u dhstaan oo Puntland u sameeya baahiyaha dowladnimo ee loo baahan yahay iyo midda ka muhiimsan oo aheyd soo celintii dowladnimadii naga burburtay waxan rabaa aniga iyo wafdiga ila socda madaxda dowladdana ay nala qabaan in Puntland ay ka dhabeysay  labadii u jeedo ee loo  aas aasay, annagu waxaan aheyn goob joogayaal” ayuu wasiir Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay Shirka.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Puntland  Cabduwali Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in muhiim ay tahay in mar waliba in laga tashado wixii u qabsoomay dowlad gobaleedka, waxaana uu xusay in wax badan oo ka mid ah ahdaaftii iyo u jeedooyinkii loo unkay dowlad gobaleedka Puntland  in la gaaray waxaa uu yiri

“Puntland sababtii loo aas aasay iyo ahdaaftii laga lahaa ma la gaaray, annigu waxaan aamnisan nahay in badan oo ka mid ah 80% waa la gaaray ayaan aaminsan nahay, dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa burbrtay, dad dhibaato soo gaartay oo guryohoodii la dhacay oo aan waxba haysannin ayaa isugu yimid halkaan, dad dhibaataysan ayaa waxaa ay ku soo dul dageen dad kale oo dhibaateysan waxaana ad aragteen quruxda ay ka soo saareen oo maanta aad u jeedaan, dhib shiddo kale ma abuurin xasarad iyo dhibaato kale waxaana ay isku dareen in ay ismaareeyaan”

Si lamida Seneter Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole oo soo noqday madaxweyanaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa sheegay in Puntland in ay dhisanto ay mas’uul ay ka ahaayeen dhaqan iyo isimmada, kuwaas oo ka nabad galay qabiilka oo waqtigaas si xooggan dalka gudihiisa ugu faafay, isaga oo baaq u dirayana  madaxda hadda joogta ayuu yiri

“Puntland madhisanteen haddii aysan laba kooxood aysan jirin, koox la cuskaday dalka markii uu burburay oo qaabil noqday meel la qabto ama la cuskado majrin oo aan dhaqanka aheyn, oo markaas wana dhinteen waxna nool yihiin waa ay ka soo baxeen doorkoodii, qollana waxaa ay ahaayeen kuwii aqoonyahannada loo yaqaanay oo fikirka fulineysay oo dastuurka sameeyey oo howlaha qabanaayey mudadii aan jirnay waxbadan oo aan la tirin karin ayaa hagaagay maanta Puntland magac ayeey leedahay oo laga aqoonsan yahay dalka laguna qanacsan yahay”.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in shirka mudadii loogu tala galay uu ku qabsoomay isaga oo umahadceliyey guddigii shaqada gacanta ku hayey  iyo diyaarinta shirkaba waxaana hadalkiisii ka mid ahaa wasiir Dhabancad.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay aniga oo ku hadlayo guddiga qaban qaabada shirka aan halkaan isugu nimid inaan ku soo dhoweyno martida shirka farxad gaar ah ayey ii tahay, iyo dowladda Puntland oo iyadu hoggaaminaysay qabsoomidda shirkaan dhammaan inta ka soo qeyb gashayna waan uga mahad celinayaa sida aad la socotaan 7-dii bishii February ayuu madaxwenaynaha Puntland magaalada Boosaaso kaga dhawaaqay in uu qabsoomo shirweynaha wadatashiga Puntland 15/3/2020 oo ah maanta”

Shirka shalay ka furmay magaalada Garowe ayaa la sheegay in uu socon doono muddo saddex cisho ah.

W/Q: Dalmar Abdulkadir Jim’ale 

Goobjoog News