U bood dhigaalka

Akhriso: Qaabka Ay Beyle Iyo Kooxdiisa Isaga Difaaceen Warbixintii Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka ah Cabdiraxmaan Beyle oo maanta hor yimid golaha shacabka ayaa difaacay nidaamka maaliyadeed ee wasaaraddiisa, isaga oo sheegay in wax walbo u socdaan sidii loogu talo-galay.

Mr. Beyle oo arrintaas ka hadlaya wuxuu yiri “Waxaa maanka ku hayaa ilaalinta shuruucda dalka iyo guud ahaan hantida umadda habka ay u soo gasho, habka lagu maamulo iyo habka loo isticmaalo inay raacsan yihiin shuruucda dalka…waxaan u joogaa in aan ka jawaabo su’aal walbo oo halkan nagala soo weydiiyey, oo number walba inuu been yahay, la been abuurtay, oo meel madow lagu soo qoray ayaan halkan ka sheegayaa”.

Cabdiraxmaan Beyle waxaa uu ku dooday in aanu hoos u dhicin lacagii shaqaalaha, oo ay soo xareeyeen sanadkan 3 milyan iyo 700 oo kun, halka uu ahaa 3 mliyan labo boqon iyo 30 kun, waxaa uu sidoo kale meesha ka saaray lacagta Imaaraadka.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda waxaa uu ka hadlay lacagtii Sacuudiga ee 50ka Milyan, waxuuna arrintaas ka codsaday inay sharaxdo guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryan Cabdullaahi Yuusuf. Maryan oo arrintaas ka hadleyso waxaa ay tiri“Lacagta 50-ka Milyan ah waxaa ay bangiga dhexe soo gashay September 2017-kii, 50 milyan ayey aheyd, xisaabta ay lacagta ku jirto waa xisaab bangiga dhexe ee ma aha mid wasaaradda maaliyadda, innaga ayaa soo wareejin karta, oo xisaab dowladda u gudbin karta, October 5, 2017, wasaaradda amar ayaa nooga yimid la leeyahay 10 Milyan soo wareejiya oo waxaad ku shubtaan qasnadda dowladda, waxaan fulinay October 5, 2017, waxaa dowladda u haray 40 Milyan.  20/11/2017 wasaaraddu mar kale waxaa ay nagu amartay in la soo wareejiyo 6 Mliyan oo lagu shubo qasnadda dowladda, waan soo wareejinay, isla November 20-keeda ayey wasaaraddu nagu soo noqotay waxay na yiraahdeen 4 miliyan soo wareejiya, 4-tii milyan qasnadda dhexe ayaan ku shubnay. Dowladda waxaa ay nagu soo noqday Bishii December 24, 2017 waxaa ay yiraahdeen waxaad soo wareejisaan 10 Milyan, waan soo wareejinay, qasnadda dowladda dhexe ayaan ku shubnay halkaas waxaan ku soo wareejinay 30 Milyan. Wasiirku wuxuu yiri 20-ka milyan lama taabanaayo, halkaas ayey isaga jirtay, wax qarsanna ma aha. 27-kii September, 2018 ayaa wasiirku waxuu noo soo diray amar, uu leeyahay soo wareejiya 5 Milyan, mushaaraadka ayaa kala go’ay, waan soo wareejinay, qasnadda ayaan ku shubnay, oo mushaaraadka ayaan ku darnay, 15-kii malyan xisaabta bangiga dhexe ayey ku jiraa, weli waa taalaa”.

Ugu dambeyntii, Mahad Cawad oo  shir guddoominayey ayaa raali-gelin biixyey isaga oo ka hadlay in loo baahnaa in warbiixnta ay marto guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, in lala xiriiro cidda ay khuseyso, lana soo raaciyo wareysiyada iyo la dhameystiro dhammaan hab-raacyada.

Goobjoog News