U bood dhigaalka

Akhriso: Qaabka Ay u Guuleysteen Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo Xubnaha Cusub ee FESOJ

Sheeko:Dalka

Isutagga Saxafiyinta Soomaaliyeed  ee dhowaan ka guuray NUSOJ  ayaa waxaa ay madax u doorteen ururka cusub ee Federation of Somali Journalists (FESOJ).

Maxamed Ibraahim Nuur Macalimuu, oo horay madax uga ahaa NUSOJ, kana soo shaqeeyey goobo ay BBC-da ku jirto ayaa si aqlabiyad ah loogu doortay xogheyaha guud ee Isutagga Saxafiyinta Soomaaliyeed FESOJ kadib markii uu tanaasulay Amiin Yuusuf oo la tartamayey.

Gudddoomiyaha FESOJ oo ay ku tartameen Maahir Jaamac Aadan,  Abaadir Cabdqadir Cilmi, iyo Cali Ibrahim Qoobey, waxaa ku 60 cod ku guuleystay Abaadir Cabdqadir Cilmi halka Maahir Jaamac Aadan uu helay 16 cod iyo Qaabey oo aan waxbo helin.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad waxaa ku guuleystay Muxyudin Xasan Maxamed, sida la sheegayo cidna kulama tartamin

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad waxaa ku tartamay Cabdfitax Xasan Faarax , Cumar Cayrdus Axmed, ninka hore ayaa waxaa uu helay 58 halka Caydaruus uu helay 17, 2 cod ayaa halaabay.

Doorashada oo si hufan u dhacday, waxaa korjooge ka ahaa garsoore ka tirsan maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Saciid Axmed.

77 saxafi oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa maalmahan ku shirayey Muqdisho, isaga oo shirkoodii guud ku badalay magaca ururka, kadibna doortay madax hoggaamin-doonta sanadaha soo socda.

Goobjoog News