U bood dhigaalka

Akhriso: Qaabka iyo Sababta Loo Badalayo Sharci No. 130 Ee Bangiga Dhexe

Sheeko:Dalka

Xukuumadda J. federaalka ah ee Soomaaliya ayaa todobaadkan lagu wadaa inay baarlamaanka federaalka ah hor keento wax badalka “Xeer Maamul Bankiga dhexe”, iyada oo arrintn ay horudhac u tahay in qof ajnabi ah loo magacaaba guddoominta bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Sharci No. 130, qodobka 4aad waxaa uu ka hadlayaa maamulka bangiga dhexe oo faqrada 1aad ee qeybta 4aad ka hadlaya maamulka sida; inay ka koobnaadaan guddoomiye, ku-xigeen iyo 5 kale oo fulinta ku jirin.

Qeybt hadda la badali rabo waa faqrada 2aad ee qeybta 4aad oo ku qorn:

(1) Waa inuu noqdaa qof hufan oo:

  1. Soomaali ah.
  2. Heysta shahaado ama aqoon u dhiganta oo  nidaamka maaliyadda, lacagta iyo guud ahaan xisaabaadka.
  3. In aaney wax ka hor istaagaya sida ku qoran, qodobka 14aad ee xeerkan

(2).  Looma magacaabi karo guddoomiye bangi ama ku-xigeen isaga oo  aan heysan

  1. Shahaado Jaamacadeed oo xagga maaliyadda, sharciga, lacagaha iyo dhaqaalaha la xiriirta.
  2. Qof aan heysan khibrad ka yar 12 sano.
  3. Waa inuu maamul ka soo qabtay hey’ado maxali ah iyo dowli ah….

(3). Shuruudaha kale ee maamulka waxaa ka mid ah guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa magacaabaya madaxweynaha kadib markii ay soo jeediyaan golaha wasiirrada, isaga oo 4 sano xasfiiska heyn-doona, marka uu qofka shaqada ka tagayo waxaa uu qoraalka u dirayaa madaxweynaha.

Haddaba, xukuumadda federaalka ah ayaa dooneyso in la badalo qodobka dhigaya inuu Soomaali yahay, waxaana muuqa inuu booska qaban-doono qof ajnabi ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir