U bood dhigaalka

Akhriso: Qaraar-ka Golaha Shacbaka Ee Ku Saabsan Gurmadka Deg-deg Ah Ee Abaaraha

Sheeko:Dalka

Golaha shacabka ayaa ku jira dooodda qaraar ku saabsan gurmadka deg-degga ah ee abaaraha, arrintaas oo timid kadib markii dalka meel walba ay saameysay abaarta.

Warbixintan Waxaa ay ku bilaabatay sidan:

Golaha Shacabka Soomaaliya

Markuu fiiro gaar ah u yeeshay: in Qur’aanka Karrimka iyo Sunnada Rasuulkeena Suuban (csws) iyo ilaalinta maqaasiidda sare Shareecada iyo cadaaladda bulshadu yihiin mabda’ asaasiga u ah Dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka si waafaqsan Qodobkiisa 3-aad .

Markuu Arkay: Qodobka 10-aad faqrada (1)  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qirayo in Karaamada aadanuhu tahay deeq Allahu swt ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanuhuna ay ay deeqdaas kasoo dhalatay.

Asaga oo xog ogaal u ah: in Qodobada 13-aad iyo 15-aad ee Dastuurkeena uu qof kasta siinayo xaqa nolosha, xoriyadda shaqsiyadeed iyo nabadgelyada qofnimadiisa. Sidoo kale ugu xog ogaalsan in cahdiga Qaruumaha Midoobay ee Xaquuqda Aadanuhu  uu qof kasta oo banii-aadam ah siinayo isla xuquuqdan kor ku xusan ee dastuurkeena, saa daraadeedna xuquuqdaas yihiin xuquuq Alla-ku siiyeen ah oo banii aadamka addunka isku dhaqan _garto iskuna tixgeliyo.

Fiiro  u yeeshay : in nabad la’aan iyo amni al’aan aanay suurtagal ahayn in lagaaro hormar dhaqaale iyo horumarinta iyo taakulaynta arrimaha bulshada toona.

Asaga oo ka welwelsan: xaaladaha ka dhashay jiilaalkaan dheeraaday oo durba sababay dhimasho dad iyo duunyoba leh, kana murugeysan xaaladda sii xumaanaysa ee abaarta ku sii fidaysa dalka, taas oo iyadana dhalisay barkacyaal boqolaal kun qof abaarikeenti ah, oo u baahan in si degdeg ah loola gurmado kaalmo Bani’aadanimo heer Qaran iyo heer Caalami ahba leh lala gaaro dadka abaartu tabaaleysay si halista naftooda iyo noloshooda ku sugan tahay looga badbaadsho.

Fiiro gaa ah u yeeshay : Abaabulka  iyo jihaynta ay muujisay Dowladda Fedeaalka ayadoo kaashanayso Dowlado-Goboleedyada Federaalka iyo qaylodhaaminta ay u dirtay shacbiga Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ugana baaqday in wadajir loogu gurmado ka hortagga aafooyinka abaarta dalka ka jirta.

Hadaba Golaha Shacabka Soomaaliya, Asaga oo Qaddariyey: Baaqii saamaynta abaarta dalka haysa, oo ku jiray Hadaljeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo hadaljeedintii Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ka jeediyeen Golaha Shacabka hortiisa maalintii arbacada 1-da Maarso 2017:

WUXUU GO’AAMIYEY QODOBBADA SOO SOCDA

Qodobka 1-aad

Goluhu wuxuu u baaqaya dhammaana Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Dowlado-Goboleedyada xubno ka ah Federaalka shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Ogaalleyda Diinta, Muwaadiniinta Ganacsatada iyo Ururrada Bulshada in ay si wadajir ah ugu guntadaan isuna abaabulaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen una kaalmeyn lahaayeen walaalahooda jiilaalka oo dheeraaday aafeeyay iyo abaartaan sii baaheysana ku sii habsanayso.

Qodobka 2-aad

Wuxuu dhammaan wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo Dhammaan Maamullada Dowlado-Goboleedyada Dalka ku dhiirigelinaya in ay abuuraan jawi fududeeya gaarsiinta alaabada kaalmo-aadaneedka ah ee loo wado taakulaynta dadka u baahan iyo in ay la yeeshaan wada shaqeyn dhaw Ha’adaha sida kaalmo-adamiyeedka kuna korjoogteeyaan in xilgudashadoodu u fulinayaa si waafaqsan shuruucda dalka iyo mabaadii’da cahdiyada Caalamiga ah ee dadweynaha adduunka wada aqoonsanyahay .

 Qodobka 3-aad

  1. Waxaa Dowladda iyo dhammaaan Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo dhammaan Hay’adaha Dowlado-Goboleedyada Dalka la farayaa in ay canshuur-dhaaf u sameeyaan alaabada loo keeno gargaarka taakulaynta aadanha iyo ka hortagga aafooyinka abaarta.
  2. Waxaa kaloo Hay’adaha kor ku xusan la farayaa in shuruucda xeer-nidaamiyada iyo habraacyada kale ee jira la laalo hadii ay wax u dhimayaan habsami u socodka hawlaha gaarsiinta taaakulaynta ama shaqada hay’adaha Gargaarka ku hawlan ama isu socodka dadka ama isgaarsiinta alaabta gargaarka lagana ilaaliyo wixii  carqalado ama daahid keeni kara ilaa iyo intii Abaartaan laga baxayo.

Qodobka 4-aad

Dhammaan hay’adaha Qaranka heer Federaal iyo heer Dawlado Goboleedyo waxaa la farayaa in ay u hoggaansamaan qaraarkaan higelintiisuna hubiyaan.

Qodobka 5-aad

Qaraarkaan wuxuu hirgalayaa markuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya saxiixo kuna fuliyo Xeer-Madaxweyne Faafinta Rarmiga ah ee Jamhuuriyaddana lagu soo saaro.

M.ne Muxammad Sh. Cusmaan “Jawaari”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya

W/Q: Jaamac Cali Shidane, Goobjoog News