U bood dhigaalka

Akhriso: Qaraxa iyo Khasaaraha Hotel SYL

Sheeko:Amniga

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa caawa weerar waxaa ay ku qaadeen Hotelka SYL oo ku yaala nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Wararka Goobjoog News ay heleyso  ayaa sheegaya ilaa 5 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeel Hotelka abaare 7:00 habeenimo waxaana jira khasaare dhimasho ilaa 3 ah iyo dhaawaca oo badan.

Qolada weerartay Hotlka ayaan adeegsan Bam iyo gawaari Qarax lagu soo xiray iyaga oo ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda, waxaana ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud iyo Bambooyin.

Sidoo kale ciidamada ammaanka  iyo ilaalada Hotelka ayaa bilaabay samatabixinta dadkii Hotelka gudihiisa ku jiray waxaana la maqlayaa rasaas ay isweydaarsanayaan ciidamada ilaalada Hotelka iyo qolyihii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale  Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa sheegtay In ciidamadu ay dileen ilaa labo ruux oo ka tirsanaa qolyihii weerarka soo qaaday laba kalana ay wali ka dagaalamayaan gudaha Hotelaka iyada oo intaas raacisay In la soo badbaadiyey ilaa 82 ruux oo ku sugnaa gudaha hotelka.

Ugu danbeyn Hotelka ayaa  caawa waxaa ka socotay xaflad, waxaana goobta ku sugnaa marti dhowr ah oo lagu casuumay xafladda, si la mid ah waxaa hotelka ku sugnaa ergadii maanta ka qeyb gashay caleema saarkii hoggaanka beelaha Habargidiir.

Goobjoog News