U bood dhigaalka

Akhriso: Qeyb Ka Mid Ah Dooddii Xildhibaannada Golaha Shacabka Ee Amniga

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maalintii 3aad waxaa ay dood ka yeesheen arrimaha amniga.

Xildhibaannada maanta hadlayey waxaa ay ku dheeraadeen xaaladda amniga iyo sida ay tahay dowladd inay wax uga qabato.

Xildhibaan Jaabir Maxamed Cabdulle waxaa uu diiday xildhibaannada maalmihii tagay sheegay in ciidamada aan wax mushaar la siin, isaga oo yiri “Xildhibaannadii Golaha shacabka ka hor sheegay in ciidamadu aysan mushaar qaadan, cadeymo ayaa looga baahan yahay.”.

Xuseen Iidow oo goobta ka hadlay waxaa sheegay in amniga loo fiiriyo si guud isaga oo yiri “Dowladdii Xasan Shiikh waxaa lagu sameeyay iyadoo dhisan 18 bil ayaa  la weeraray madaxtooyada qaranka, maxkamada gobalka  iyo xaruma kale oo muhiim ah, waa muhiim isla xisaabtan, Laakiin Waa in uu ku saleesan yahay Waaqici jira”

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil: Xildhibaanadu waa in ay kala gartaan waxyaabaha ay u dhaarteen iyo sida ay shaqadooda ay ku wajahi karaan

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil waxaa uu xukuumadda Farmaajo ku canaantay baab’inta ciidanka “Dowlada Madaxweyne farmaajo waxay sheegtay in ay Shabaab ku soo afjareyso  2 sano, in la soo afjara iskaba daaye , ciidankii dhisnaa ayaa La baa’biyey, tusaale ahaan Ciidanka NISA”.

Xildhibaanka waxaa uu intaas ku daray “ Qaraxyadii ka dhacay Ceel- gaabta waxaa geystay rag ku libisan dharka ciidanka melateriga ah oo ahaa dareyskii  ugu dambeeyay ee la qeybiyay,  ammaanka ayaa la siyaasadeeyay, waxaana lagu weeraraa Saxaafadda, Siyaasiyiinta iyo Shaqsiyaad Xasaanad Leh

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil waxaa uu sheegay in dowladda hub la siiyey “Dowlada Sacuudiga waxay bixisay Kunteenaro hub ah oo dowlada Soomaaliya loogu talagalay, waana Loo diiday maamul gobaleedyada, waxaana Suuragal  ah in si hoose Loo iibiyo.

Xildhibaan Xasan oo ka hadlaya Al-shabaab “ Al-shabaab waxay usoo dalxiis tagaan Magaalada Muqdisho, Ka dib markii ay waayeen caburin kaga imaaddo Dowlada Dhankeeda, hay’ada NISA ma qeexna waxa ay tahay, taliyihii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa tilmaamay in uu jiro Xiriir ka dhaxeeya Alshabaab  iyo Hay’ada NISA, Waxaana dhacday in dhammaan garaadooyinkii Laga qaaday.

hay’ada NISA ma qeexna waxa ay tahay, taliyihii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa tilmaamay in uu jiro Xiriir ka dhaxeeya Alshabaab  iyo Hay’ada NISA, Waxaana dhacday in dhammaan garaadooyinkii Laga qaaday. Waxaa nagu maqaalo ah  in La demiyay dhammaan Camiroyinkii CCTV ee wadada Makka Almukarrama

Xildhibaan Sahra Cumar Maalin ayaa ku dooday in mooshinkii jawaari uu waqti cunay “ Mooshin-ka ayaa waqti naga cunay dalka waxa uu galay qalqal siyaasadeed,  amniga markaas ayuu xumaaday. Amniga  waa labo,  Mid adduunka ayuu nagala dhaxeeyaa midna waa mid dhaxdeenna yaala,  amniga dhaxdeenna ah aan si hoose aan uga shaqeeyno., waxaa ay sii hadashay oo waxaa ay tiri “Aniga waxba kama qabo isla xisaabtan laakiin qof raba danahiisa kaliya inuu ka fiirsado, ma ahan isla xisaabtanka la rabo, iyada oo hadalkeeda ku soo gabagabeysay “Tuutaha qof walb ayaa xirto,  in farmaajo iyo kheyre xertaan ceeb miyaa”.

Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi oo goobta ka hadashay waxaa ay tiri “Waxaan daawaday urur la baxay macaawiisleey, aabe leh wiilkeeygii ayaa la yiri keen isagiina wuxuu i dhahay aabe ha igeeynin , waan iska ooyey markii aan daawaday muuqaalkaas, aaway dowladdii uu codsiga ka dalbay, miyaa loo diray ciidan iyo gaadiid?

Xildhibaanad Canab mar ay ka hadashay Federalism-ka waxaa ay tiri “  Faderaaliisimka sax iyo qalad waxa uu yahay waan qaadanay, Ee aan isku ixtiraamno, maanta isqabqabsi kama bixi karno ee aan isku tanaasulno iyada oo soo jeedisay in “Miisaaniyada soo socota waa in askariga Soomaaliyeed la siiiyaa bil walba 200 boqol”.

Xildhibaan Sahro Cabdiqadir waxaa ay ciidanka ka tiri “ Ciidanka waa isku dhex qasan yihiin hala kala saaro, militiriga bannaanka ha looga saaro magaalada, kuwa kale ha loo maareeyo xaalada amniga gudaha magaalada”

Xildhibaan Sahro oo ka hadashay amniga “ Amniga maanta maalin uu ka xumaa ayaa jirtay laakiin waxaan rabnaa inuu ka sii wanaagsanaado. Waxaan rabaa inaan ku dayano dowladdihii burburka naga dambeeyey hadana maanta hormariyey dadkooda”

Xildhibaan Macalin Cali oo isna amniga ka hadlay wuxuu yiri “Amnigii waa sii xumaaday, Shacabkii guriyahoodii ayaa loogu galayaa in loo dhaco, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay baab’inta ciidanka Soomaaliyeed “Ciidankii Soomaaliyeed waa la baabi’yey, Waxaa lagu baabi’yey in maalin walba la badalo taliye”

Xildhibaan Macalin Cali, waxaa uu dowladda ku yiri “Dowladdii ku guuleysan weysay shan maamul oo dhisan in ay la shaqeyso ma taasaan garab siin karnaa,  wey ku fashilantay wada shaqeeyntooda, wax yaabaha ay soo jeediyeen wey ku saxan yihiin.

Xildhibaan Macalin Cali ugu dambeyntii, waxaa uu soo jeediyey “Waa in loo yeeraa madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha si labadooda aan ula xisaabtano, xildhibaannada ay soo qaataan waraaqadiihii ay labada mas’uul ku qornaayeen balanqaad yadoodii si aan u tusno farqiga u dhaxeeya.

Xildhibaan Cabdicasis Cilmi ayaa isna sheegay “Amni ma jiro Xukuumaddana meel walba wey ku fashilantay, isaga oo intaas raaciyey “Waxaa wax laga xishoodo  ah qaraxii weynaa ee 14 Octobar cid loo soo qabtay iyo cid isku casishay jirin.

Xildhibaan Cabdicasis Cilmi, mar uu ka hadlayey xukuumadda Kheyre waxaa uu yiri “Mudane guddoomiye xukuumadda hadda joogtaa ma ahan xukuumaddii aan ansixinay, middan waa mid inta  malaamileey soo wadato dhaheyso hala sacabtumo,  sax weeye,  sax weeye in loo dhaho rabto.” Isaga oo hadalkiisa ku soo afjaray “Waxaan soo-jeedinayaa xukuumaddu wey gudan weyday wixii loo soo doortay ee ha iska casileen xilalkooda.

Xildhibaan Cabdicasis Cilmi: Madaxweyne maalintii aan na hortaagneyd waxaad sheegtay iyo waxa aad hadda ku dhaqmeyao wax isku dhaw ma ahan, Safar badan aad baxdo waxba soo ma kordhinaayo, Ka hadal xaaladda maamul goboleedyada iyo tan dowladda dhexe.

Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil: Amniga Qaranka marka laga hadlaayo ma ahan Caasimada ee waa dalka oo dhan, Ciidanka waxaan leeyahay waad amaanantihiin sida geesinimada leh ee aad dalkiina ugu shaqeeysaan idinka oo qaata 100 dollar.

Sharciga argagaxisada idinka ayuu idin horyaalaa ee ma rabtaan inaad ansixisaan

Maxamed Jaamac Mursal: Xerada janaraal Gordan waxaa ku jiray Ciidan leh saanad iyo awood waxaa kala dirtay oo weerartay Dowladda Faderaalka, wixii halkaa ku jiray meel ay ka baxeen maanta cid sheegi kartaa ma jirto laakiin isla xisaabtan ayaan uga baahanahay Xukuumadda.

In darajada askari laga xayuubiyo,  cid kale loo dhiibo waxay dileeysaa niyadda Ciidanka

Waxaa na soo gaaray Ooyin hooyooyin  Soomaaliyeed oo caruurtooda la Aakareeyo,  mudane Gudoomiye waxaan u baahanahay in baaritaan lagu sameeyo arrinkaas

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaan u sheegayaa , shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dib u heshiisiin ee uma baahna awood sheegasho iyo xoog

Xildhibaan Abuukar C/laahi Xaaji: Amniga aan ha hadleeno waa amni caalamka dhan ka Jira, marka  ani ma qabo in qolo gaar ah si gooni ah dusha looga saaro.

Amniga dalka Labo wasaarad uma yaalo ee xukuumada oo idil ayaa Laga rabaa, ciidanka in mushaar loo kordhiyo iyo in qaadka dalka laga joojiyo,   amni darrada ayuu qeyb ka yahay

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji: Kulanka doodda amniga ka hor guddiga joogtada ah ayaa  Ka shiray amniga dalka iyadoona La kulmay saraakiisha amniga, Laakiin waxaan idiin sheegayaa in  kulmadaas saxaafada Laga qariyay

Xildhibaanada intooda badan waa wasiirro, mana jiro wasiir halkaan soo istaagay oo ka hadlay xaaladda dalka, ma aqaan,  ma caburin ayaa Jirta oo gadaal ka imaanaysa Mise arrimo kale ayaa jira.

Farmaajo ayaan dooranay, mana ka helin dalka waxyaabihii uu balan qaaday, dhibaatada dalka ka Jira Farmaajo ayaa Masuul ka ah.

Xildhibaan  Cabdi Fataax Daahir Ismaaciil:  Amni darrada waxaa qeyb ka noqoneysa in dalku ka baxayo Wadatashi una gudbayo kaligiitalasnimo, waxaa kaloo qeyb ka ah  xuquuq la’aan iyo Karama darro.

Waxaana ognahay in Kumanaan kun oo dollar lagu bixiyo Dad ku shaqeeya baraha bulshada oo dalka Ka maqan

Dowlada Farmaajo waxaa ay siyaasiinta ku caburisaa in dhaqaalo dowlada lagu duminayo ee dalka Keenaa, Waxaana ognahay in dowladdan aysan Ku imaan Quraan laakin ay lacag Ku timid.

“Waxaan rajeynayaa dowladda inay ka miro dhaliso wada hadalladaas, dhibaatooyinka aan sheegnana wax nagala qabtaan, haddii ay wax nagala qabtaan, oo ay xaliyaan, maamullada inay yiraahdaan wada hadalka faa’ido ayaa ku jirta.

Goobjoog News