U bood dhigaalka

Akhriso: Qeybo Ka Mid Ah Khudbadaha Xildhibaannada Golaha Shacabka Ee Amniga

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Shacabka ayaa kulankoodii maanta mar kale uga hadlay arrimaha amniga, ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay  guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal isaga oo sheegay in Loo Baahan yahay in aan La Buunbuunin dhibaatooyinka sida: in shacabku ay u Calaad doontaan Al-shabaab  iyo sidoo Kale dhibaatooyinka Jira.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa xildhibaannada hadlay waxaa uu yiri “860 KM oo horay looga Qabsaday Al-shabaab hadda  60 KM oo ka Mid ah ayey dowladda gacanka ku heysaa,  800-na Al-shabaab ayaa Maamula, Waxaana Lagu waayay Markii Lala Wareegayay Goobahaas Dad boqollaal Ka Badan.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed (Xidig) dhankiisa waxaa uu sheegay “Waxaa jirtay xilli xildhibaannada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana ay dhimanayeen”,  isaga oo intaa raaciyey  “Amniga magaalada hadda waa mid la isku halayn karo, oo  meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa”, isaga oo ku soo gabagabeeyey “waxaan ku baaqaa in shaqooyinka ay qaban karaan dhallinyarada Soomaaliyeed loo ogolaado, lana joojiyo shaqaalaha ajnabiga ah”.

Daahir Amiin Jeesow oo isana hadlayey waxaa uu yiri “Amniga dalku wuu fiicanyahay mana jirto xaalad qatar ah. Amniga qalalaad badan ayaa ka  jira laakin si gaar ah ayaan uga hadleynaa,  Qof walba oo xildhibaan ah waxa uu doonayaa in uu helo dantiisa gaarka ah, nin walba oo mucaarad ah waxa uu rabaa xil.

Xildhibaan Zakariye Xasan isna waxaa uu sheegay “Shakhsiga hadii uu sharciga ka awood bato,  waxaa ka dhashay burbur sida dhacday dowladdii kacaanka.  Sarkaal ciidan darajada lagama qaadi karo ilaa xukun maxkamdeed oo ugu yar 5 sano.

Xildhibaan Zakariye oo sii-hadlaya “waa in aan u yeernaa ra’isul wasaaraha, oo aan wax ka weydiinnaa xaaladda amniga ee dalka iyo ballanqaadkiisii amniga.

Xildhibaan Cali Xoosh: Xaqiiq marka laga hadlo amniga waxa uu u baahan yahay in talo wanaagsan laga bixiyo,  inta warbaahinta la marsiin lahaa dhiiri-gelinta Al-shabaab

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ColRuush: Waxaan ka hadlayaa marxaladda hadda taaganahay iyo habka xukuumaddan u maareeysay amniga waa mid fashilmay,  qarash badana wey ku bixisay, dhaliil weyn ayaa ka muuqda dhanka amniga, qarashka maanta baxay waxa uu ka badan yahay qarashkii ku baxay dagaalkii 77.

Ruush wuxuu intaas ku daray “ Waan qabaa in golaha looga yeeray wasiirka koowaad si amniga wax looga weydiiyo, isaga ha soo wato wasiirrada iyo taliyeyaasha la shaqeeya. Talo waxaan ku soo jeedinaa in istaraatiijiyadda amniga wax laga badalo, AMISOM dalka uma rabto horumar iyo amni, waayo halka askari ee AMISOM bishii waxa uu qaataa 1.200

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ColRuush waxuu hadlakiisa ku soo gabgabeeyey “ Hadda ciidan baa la qoraayaa tiradooda iyo badnaanshaha waxba laguma jeedo ee haloo qoro qaab sharci ah iyo cadaalad ku jirto

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamud Taaw oo isna hadley” Haddaan galo barnaamijkan waa jiraan dhaliilo badan iyo wax la qabtay, laakiin mudane guddoomiye marka lagu dhawaaqayo xaaladaha howlgallo waa in ay hirgalaan laakiin haddaan la hirgalin cadowga isagaa tiisa hirgglinaaya

Xildhibaan Axmed waxaa uu khilaafka maamul goboleedyada ka yiri  “Khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe waxa uu horseedayaa amni darro iyo in uu ka faa’ideysto cadowga isjiid jiidkaas inta lagu mashquulsanyahay.

Waxaa uu su’aal ka keenay Istaafka ciidaka “ Mudane Guddoomiye waxaa jira dhibaato aan qabno oo ah, in Xildhibaanada golaha shacabka aan Loo ogoleyn Istaaf gaaraya 4 , hadana dadka noo diidaya waxaa ay wataan gaadiid aan xabadda karin iyo ciidamo fara badan”

Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed waxaa ay soo jeedisay in dadkii amniga ku shaqada lahaa goobta la keenno “Waxaa muhiim ah in Loo yeero dadka ehelka u ah howlaha amniga dalka, Isla markaana ay ka shaqeeyaan waxyaabaha dib noo dhigaya, madaxdana ay Kala taliyaan istiraatiijiyada, Waa In La joojiyaa bixinta garaadaha La siinayo Dadka Aan u qalmin.

Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed: Mudane Guddoomiye xilka waan isaga tagayaa ama meeshii aan rabo aan ka soo cunteeyo,  afar mitir kuma jireyno, aan ka baxno xeryaha ciidamada, oo aan aadno gobolada dalka

Xildhibaan Cali Axmed Jangali : Qof dhagarta maleegaya Lama ogaan karo, Sababtoo ah waxaan Tusaale u soo qaadan karaa Qaraxii Hotelka Central, Haddii nala weydiin lahaa waxay tahayna ma qaadan karin go’aanka ah waa argagaxiso gabadhaas, waana la ogaa dhibka ay gaystay.

Maalintii Ansixinta Xukuumada Hadda Jirta, Waxaan Soo Jeediyay in Xildhibaan Kasta uu akhristo qorshaha Xukuumada Cusub, Laakiin waxaa iga diiday Xildhibaanada qaar, hadana waad aragtaan Waxayaabaha Jira oo Aad dooda Ka qabtaan.

Xildhibaan Siciid Xuseen Ciid, oo ah wasiirka beeraha xukuumadda Kheyre : Dalkeena waa barwaaqo Khayraad ayaa Ka buuxa ee waxaa La rabaa in 2030 aan Ka baxno baahida Jira oo dhan walba Leh.

Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed ayaa ku dheeraaday amniga  isaga oo yiri“Hadii aad tahay mas’uul  ku  jira  ciidan dhexdiis iyo gaari aan Xabad Karin, Ogaada waxa La dhibaataynaayo waa shacabka aad metashaan oo bixiya canshuurta, dowladana aan ka helin adeegyadii ay u baahnaayeen.

Dhanka xuriyadda hadalka wuxuu yiri “ Xuriyadda Hadalka iyo ra’yi cabiridda, Soomaaliya waxaa La isku Adeegsadaa Ciidanka amniga qaranka, oo Loogu talagalay difaaca qaranka.

Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed oo Al-shabaab ka hadlay “Degmooyinka Muqdisho, Garoommadii kubadda cagta ee lagu ciyaari jiray, waxaa ay u xiran yihiin amarka Al-shabaab, ee uma  xirna  amar ka soo baxay wasaaradda amniga ama arrimaha gudaha. Fadlan Yaana Shacabka Been loo sheegin, ee Dalka Halaga Fikiro.

Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed waxaa uu ugu dambeyntii soo-jeediyey “waxaan Codsanayaa  inay xilka Banneeyaan Xukuumada Ra’isul wasaare Khayre.

Ugu dambeyntii, waxaa hadlay Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene isaga oo sheegay“ Dooddii Xildhibaanada ay ka yeesheen amniga dalka Waxaa si weyn u soo dhoweeyay Shacabka Soomaaliyeed, oo muddo aamusnaa, Waxeyna umuuqataa in Xildhibaannadu ay hurdada Ka tooseen

Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu matalaadda ka dhahay “ Xildhibaanku Shacabku ayuu Metalaa, waxaana idiin sheegayaa in Xildhibaannadu Shaqsi ay doorteen aaney dalkooda Ka doorbidin

Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu fashil ku tilmaamay xukuumadda Kheyre isaga oo yiri “Waxaan idiin sheegayaa xukuumada Khayre waa guul daraysatay ee hadallada uu u sheegayo shacabka degmooyinka Ka  yimid Baarlamaanka ha u sheego halkan ayaa Looga baahan Yahay

Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu madaxweyne Farmaajo ku yiri “Mudane madaxweyne hadalladii aad baarlamaanka ka hor sheegtay waa duuban yihiin ee madaxweyne la imaaw isbedel dhab ah.

Goobjoog News