U bood dhigaalka

Akhriso: Qiimo Koror Ku Yimid Kirada Guryaha Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Kireynta guryaha magaalada Muqdisho waa kuwo is bed-bedala sanad walba, guryahaha qaar ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu kireeyaa lacag dhan $300-$500, waana  xaafadaha  loo arko  inuu ammaan uu ka jiro habayaraadee, mararka qaar waxaa dhacda in kireystaha guriga inuu isaga baxo sababta ayaa la xiriirta lacago dheeraad ah lagu daro guriga, iyadoo sanadkii uu dego wax ka badan 10 guri.

Dagmooyinka ugu qaalisan xaga kireynta guryaha magaalada Muqdisho ayaa la ogaaday in ay yihiin Waaberi, Xamar-jajab, Xamar-weyne, Hodan, Cabdi casiis, WartaNabadda iyo Shibis.

Degmooyinka Shangaani iyo Howlwadaag guryaha ku yaalla waxaa qiimo ahaan qolkii lagu kireeyaa lacag u dhaxeysa 60 illaa 50 doolarka Maraykanka ah, waana qiimo badan marka la bar-bar dhigo degmooyinka kale ee Muqdisho.

Dhallinyaro badan ayeey shaqo abuur u noqotay kala iibinta iyo waliba kireynta guryaha iyagoo ku dabaqay Tiknooloojiyadda xilligaan wadanka laga isticnmaalo, waxaana ka mid ah dhallinyaradaas Cabdi Shakuur  oo madax ka ah shirkad kiraysa guryaha, waxa uuna ka sheekeynayaa habka ay u kireeyaan guryaha.

”Kireynta guryaha waa kuwo kala dabaqad duwan, waa kuwo dabaqadda Koowaad ah iyo dabaqada Labaad ah, kuwa dabadaqadda Koowaad ah waa kuwa ku dhaw Xalane oo hay’adaha ay degaan waxaana lagu kireeyaa qolkii  Labo Kun illaa Saddex Kun oo doolarka Maraykanka ah, waxaana badanaa dega shirkado waaweyn, dabaqadda Labaad waa xaafadaha ku teedsan wadada Makka Al-mukarrama, xaafadahaaa ilaa dagmada Waaberi iyo qeybta soke ee Taleex, laguna tago Banaadir dhulkaasi waxaa dega shaqaalaha dowladda sababtoo ah dowladda waxa ay shaqaaleysiisaa 5,500 oo shaqaale rayid ah  saraakiil ciidan hay’adaha dalka kaligood waxa ay ku soo uruureen laga soo bilaabo Sayidka illaa agagaarka Banaadir ,taas waxa ay sameeyeen in qiimihii kirada Guryaha kacaan saa’idna u qaaliyoobaan waana dhul lagu 2-km ay dhacdo in qolkii 300$ lagaga kireeyo guryaha filooyinka waxaa lagu kireeyaa 700$, dhan ka kale qolalka  guryaha u sameysan nidaamka dabaqayada  waxa la kiyeeraa 500$ qolkii”.

Marka aad tahay ruux kireysta Guri ah joogo magaalada Muqdisho waxaa macquula inaad sanadkii aad dagto guryo badan waxaana sabab u ah guryaha qiimahooda oo aan sal fadhiyo laheyn,

Daraasad dhawaan ay sameysay Jaamacadda Simad xarunteeda maaalada Muqdisho ayaa lagu xusay in 10-kii sano ee ugu danbeeysay ay sara u kacayeen qiimaha lagu kireeyo laguna kala iibsado guryaha magaalada Muqdisho sida uu sharaxayo Maxamed Ibraahim oo kamid ah maamulka jaamaacadda oo qeyna ka ahaa cilmi baryaashii daraasadda

”Runtii inta aan wadnay daaraasadda waxa aan aragnay in10-kii sano ee ugu danbaysay qiimaha Guryaha way qaaliyoobayeen  kiradana waxa ay ahyd mid sare u kacayso sanadba sanadka ka dambeeyo, iyadoo qofka celcelis ahaan dhaqaalihiisu is bedalay, tusaale dadka cilmi baarista sameeyay waxa ay soo ogaadeen  qofka celcelis ahaan uu shaqeeyo 225$ waa jira qof qaata 1000$ iyo wax ka badan qofbaa xamaali iska ah, marka bishii 252$ soo gasho Guriga uu dagi karo ama uu gadan karo waa nuucee, xaafadihii  guryaha lagu kireynaayay 30-40$ ayaa hadda waxa ay maraayaan 200-250$, guryihii 15,000-20,000$ lagu gadaayay ayaa hadda marayo 100,000-150.000$ arrimahaas ayaana daraasaddu xoogga saartay, taasna waa caqabad weyn, markaad halkaas ka fiiriso kiradii ayaa qaaliyowday aniga dhaqalaheygane isma bedalin, anigoo xaafaddii A haddii qaali ay  igu noqotay waxaan ku qasbantahay inaad ka guurto  B hadana C ayaan u guuray Xamar waa mid koobane qofkii intuu aadaa hadhaw”

Waxaa jira inaan guryaha kireyntooda aan sifo sharciya aan loo marin taas oo sabata in hadhow ay is khalaafaan milkiilaha guriga iyo waliba Kireystaha iyadoo keenta in qofka lagu dalaco lacago badan oo dheeraad ka ah intii bishii hore uu ku bixiyey kirada guriga oo horay loogu heshiiyay, markaa oo   qofka uu qasban yahay inuu isaga guuro gurigii ama uu ku daro lacagihii lagu soo dalacay.

Wadamada horumaray ee dunida ayaa marka aad fiiriso qiimaha lagu kireeyo guryaha waxa ay yihiin kuwo jaban marka aad joogto Soomaaliya gaar ahaan caasimadda ee Muqdisho waana dhibaato muuqato oo aanan waxna laga qaban karin.

 Goobjoog News