U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobada Kasoo Baxay Xildhibaanno Ka Hadlaya Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakur, Eedeynta 2 Xildhibaan Iyo Shirarka La Mamnuucay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed oo u hadlayey Xildhibaanno Muqdisho ku shiray ayaa ka hadlay qodobo badan oo la isku afgartay, kuwaas oo u badnaa cambaaeyn.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay arrinta ku saabsan xariga Cabdiraxmaan Cabdishakur “Xildhibaannada markii ay isla fiiriyeen, isla qiimyeeyeen, sidii ay wax u dhaceen, dariiqada loo maray warqadii shalay iyo weerarkii xalay, waxaa u soo baxday:

“Si aan leex-leexad laheyn waxaa u cambaareynayaan weerarkii xalay loo geystay guriga siyaasiga Cabdiraxmaan , weerarkaas oo 6 qof oo gabar iyo 5 wiil ku dhinteen, oo aan waxba galabsan, 3 qof oo Cabdiraxmaan ku jira lagu dhaawacay, isla markaana cabdiraxmaan oo dhaawac ah xabsiga loo taxaabay”

Xildhibaan Cabdixakim oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Weerarka gurigiisa lagu qaaday, oo ay NISA qaaday sida naloo sheegay, booliiska xagiisa aan ka imaanin, waxaa ay u arkeen Xildhibaannadu in ay tahay sharci-darro, in ay tahay khalad siyaasadeed, in xuriyadda ra’yiga, in uu cabiro ra’iyigiisa iyo sida uu aaminsan yahay, aragti ka soo horjeeda oo qaldan ayey u muuqatay, Xildhibaannada waxaa ay codsanayaan in Cabdiraxmaan xuriyadiisa dib loogu soo celiyo, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxaa kale, qodobada halkaasi laga akhriyay ka mid ahaa qodob ku saabsan arrinta xasaanadda iyo barista Xildhibaannada: Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Xildhibaan Cabdisabir Nuur Shuuriye.

“Labadii Xildhibaan ay shalay laga soo saaray decoments-ka, oo iyada oo aan la maxkamdeynin, oo xasaanaddii laga qaadin, uu ku dhawaaqay xeer-ilaaliyaha qaranka in ay dambiilayaal yihiin, iyagana in aan u arko  in ay sharci darro tahay qaabka uu u wajahay xeer ilaaliyaha, labada xildhibaan ee la soo saaray waa Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Xildhibaan Cabdisabir Nuur Shuuriye.

Xildhibaannada waxaa ay guddoonka ka codsadeen in golaha shacabka dib loo furo“Xildhibaannada waxaa ay isla garteen in baarlamaanka guddoonkiisa laga codsado  in dib loo furo shirkii golaha shacabka, ajendayaashan iyo waxan soo kordhana dib looga hadlo.”

Arrinta ugu dambeyso ee laga hadlay waa shirarka la diiday“Shirkii Jaraa’id ee manta waxaa lagu sheegay in Hotelada aan shir lagu qaban Karin, taa oo ay u arkeen Xildhibaannadu xuquuqda muwaadinka oo xad-gudub lagu sameynayo. In dadka sharafkooda iyo dhaqaalahooda ay dhaawac ku tahay, waxaa ay codsanayaan in tilaabadaasi aan waafaqsaneen sharciga laga laabto.