U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobada Looga Hadlay Kulanka Jawaari iyo Safiirka Turkiga

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa saaka xafiiskiisa Villa Hargeisa kulan gaar ah kula yeeshay  Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar .

Kulankan oo muddo socday ayaa looga hadlay xiriirka iyo arimaha wada shaqeynta labada dal, iyada oo lagu soo qaaday xaaladda guud uu dalka ku jiro iyo arrimaha kale oo aan saxaafadda loo soo bandhigin.

Waxaa sidoo kale dhacay kulan kale oo guddoomiye Jawaari la yeeshay hay’adda TIKA ee qaabilsan mashaariicda dhismooyinka Turkiga, hay’addan ayaa 10-kii Maarso heshiis kula gashay golaha shacabka dhismaha xarun KMG, xaruntan oo laga dhisayo gudaha Villa Hargeisa, waxaa uu socon-doonaa mudda sanad ah.

Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee golaha shacabka Maxamed Salaad, saraakiisha TIKA ayaa ku soo wareegay goobta ay dhismaha ka bilaabi rabaan.

Goobjoog News