U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobada Ugu Muhiimsan Khudbadda Madaxweynaha Mareykanka Dolland Trump  

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Dolland Trump  ayaa Riyadh kula kulmaya madaxda Carabta iyo Islaamka, isaga oo hadlakiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyay Sacuudiga.

Mr. Dolland Trump waxaa uu madaxda Carabta iyo Islmaaka u sheegay in maanta ay bilaabayaan bog cusub oo weligii jiri doona.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sheegayaa in heshiiska uu la galay Riyadh gaarayo 400 Bilyan Dollar oo shaqo abuur u sameyn doona Sacuudiga iyo Mareykanka  iyo Sacuudiga oo heli doona taageero militari oo wax badan ka badali doona awoodda Sacuudiga.

Trump waxaa uu dalalka  Carabta iyo Islmaaka u sheegay in dadka Muslimiinta ay hoggaamiyaan iska dhicinta kooxaha argigixisada oo aaney cid kale sugin.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu madasha ka sheegay in aan halaasi u tagin cashar bixin, in aanu cidna u sheegeyn waxa la qabanaayo, sida wax loo qabanaayo iyo sida wax loo caabudo laakin waa halkaasi uu u yimid iskaashi dhex mara labada dhinac, isaga oo intaa raaciyay Isu imaatinka in uu bilow u noqdo nabad ka dhacda bariga dhexe iyo caalamka.

Trump waxaa uu Carabta iyo dalalka Islaamka ku wargeliyay in gobolkan in aaney qaxooti ka cararin ee loo soo cararo.

Mar uu ka hadlayey Diimaha waxaa uu yiri “Ma jiro dagaal diimaha ah ee dagaalka jira waa dagaal dagaal u dhaxeeya dad xun iyo dad fiican”.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu dalalkaasi ku yiri “Dalalka bariga dhexe waa in ay dortaan, Mareykanka waxba idiinma doori karo, ka kaxeeyay argigixisada dhulkiina, dadkiina iyo meelaha aad wax ku caabudaan, waa in  aan jarno khadka ay lacagaha ku helaan argigixisada.

Waa uu goobta uga dhawaaqay Xarun ay Mareykanka iyo Sacuudiga madax ka noqon doonaan oo looga hortagayo habka ay lacagta ku helaan kooxaha argigixisada isaga oo ugu baaqay in lagu soo biiro.

Diimaha waxaa uu sheegay “Qarniga badan ayey ku wada noolaayeen diimaha Islaamka, Kirishtaan-ka iyo Yuhuudda, waxaa la joogaa in qof kasta diin walba ha lahaadee uu ku noolaado nolol sharaf leh.

Ugu dameyntii, waxaa uu Trump ka hadlay arrinta Iran isaga oo shirka ka sheegay “Iran waxaa ay mas’uul ka tahay dhibaatada ka jirta bariga dhexe, waa dal caado ka dhigtay caburinta iyo in Mareykanka dhulka la galaan, waa in Iran la go’doomiyo lagana hortago maalgelinteeda argigixisada, waa in aan ku duceysanaa in la helo maalin ay dadka reer Iran aayahooda ka tashtaan”

Goobjoog News