U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobada Ugu Muhiimsanaa Khudbadda Michael Keating Ee Golaha Ammaanka

Sheeko:Dalka

Arbacdii waxaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey khudbad Soomaaliya ku saabsan ka jeediyay ergeyga xogheyaha guud ee Soomaaliya Michael Keating isaga oo ka hadley siyaasadda, amniga, garsoorka iyo arrimo kale.

Michael Keating waxaa uu ugu horeyntii ammaanay sida sanadkii hore u dhacday xil-wareejinta, sida dowladda u-dejisay qorshe qaran ee maaliyadeed, shaqo-abuur, siyaasadda dadka ka wada qeyb-galaan, xal u helidda khilaafaadka iyo dib-u-habeynta amniga.

Caqabado halkaasi ka jiro ee uu sheegay waxaa ka mid ahaa in ay dowladda lacag hesho, wada shaqeynta ay la yeelato dad gudaha iyo beesha caalamka iyo maamul xoogan oo kala hagi kara dowlad goboleedyada, Xildhibaannada, dadka beelaha furaha u ah, hantiga gaarka loo leeyahay iyo saaxiibada Soomaaliya.

In kasta uu xumaaday xiriirka dowladda iyo maamul goboleedyada dhammaadkii sanadkii hadda waa uu xasilay oo ay arrimo badan ka wada shaqeeyaan ayuu sheegay Michael Keating isagaoo ammaanay sida December sanadkii tagay ay IMF-ta u bogaadisay dhaqan-gelinta barnaamijka imtixaanka “country’s first Staff Monitored Programme”, waxaa kale uu wax uu heer fiican gaarsiiyay xiriira Soomaaliya iyo beesha caalamka iyo in uu afgarad ku dhexe-maray Soomaaliya iyo beesha caalamka in Muqdisho dhaqaale la siiyo iyo in 3da bil ee ugu horeyso sanadkan la dajiyo qorshihii ay AMISOM anmiga ugu wareejin laheyd ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa xoogga dalka ka mid noqday 24 kun oo Puntland ciidamadeeda ka tirsan.

Mar uu ka hadlayey Michael Keating arrimaha siyaasadda waxaa uu sheegay in ay hawada sabbeyneyso isaga oo tusaale u soo qaatay xarigii December loo geystay siyaasi caan ah, weerar guriga Xildhibaan iyo weli ay jiraan hirar ku saabsan badalitaankii guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Waxaa uu Michael Keating khudbadiisa ku sheegay in ay jiraan mashaakil u baahan in la xaliyo sida: in dammaanad-qaad loo helo qaabka siyaasadd u socoto, waddada loo maro xil-ka-qaadista, kaallimaha oo aan kala caddeyn, qaabka isla xisaabtanka hey’adaha amniga, musuq iyo lacag aan raad-laheyn oo yaacaya suuqa siyaasadda. Musuqa waxaa uu sheegay in uu yareyn-karo kalsoonida ay shacabka ku qabaan madaxda iyo hey’adaha.

Dhanka banii’aadnimada waxaa uu soo qaatay in 4 afar xilli roobaad aanu di’in, 2018-ka loo baahan yahay $1.6 Bilyan oo wax looga qabto, waxaa uu sidoo kale ka hadlay in abaartii dalka ka dhacday ay bara-kicisay 2 Milyan oo qof, oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bara-kaceen 12-kii bil ee la soo dhaafay, caruur ayaa ku jirta iyo 80,000  oo haween uur-leh.

Michael Keating waxaa uu khudbadda ku soo jeediyay in 3 arrin muhiim u tahay horumarka dalka sida dib-u-eegista dastuurka federaalka ah, diyaar-garowga doorashada  2020/21iyo dib-u-heshiisiin.

Waxaa khudbadda ku jirtay walaac uu ka muujiyay muranka soo-jireenka ah ee Puntland iyo Somaliland, waxaa kale uu bogaadiyay heshiiskii uu madaxweyne Farmaajo goobjoogga ka ahaa ee Dhuusa-mareeb ku kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Al-shabaab mar uu ka hadlayey Michael Keating waxaa uu sheegay in ay yihiin khatar jirta, isaga oo soo qaatay qaraxii October 14 ee 512 ay ku dhinteen, sheegana in ay December ay dhaqan-geliyeen “ public Protection of Civilians Report” oo 18 bil socon-doona, isla markaana ay diiwaan-geliyeen dhimashada 2,078 oo, 2,507 kale oo dhaawan ah,  in Al-shabaab afduubteen 729 oo rayid ah, siina daayeen 403, waxaa uu golaha ammaanka u sheegay in 5 maalin ka hor ciidamada xoogga dalka gaar ahaa ‘DANAB’ ay soo bad-baadiyeen 36 caruur ah oo tababar ugu jiray Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Michael Keating waxaa uu walaac ka muujiyay xuquuqul insaaka, sareynta sharciga oo liita, dadka oo xoog lagu bara-kiciyo, tacadiyo xagga galmoodka ah, caburinta xuriyatul-qowlka oo lagu bar-tilmaameedsanayo kooxo gaar ah iyo dadka laga tirada badan yahay.

 Goobjoog News.