U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobada Ugu Muhiimsanaa War Murtiyeedka Istanbul Ee Aqsa

Sheeko:Dalka

Kulankii ururka Iskaashiga Islaamka ee maanta ka dhacay Istanbul kaas oo  in ka badan 50 dal oo dunida muslimka ah isugu yimaadeen, waxaa ka soo baxay war-murtiyeed ka kooban 23 qodob, oo inta badan ka hadlaayey in aaney aqoonsaneen dalalkaasi go’aanka Trump ee Qudus, oo ay garab taagan yihiin reer Falastiin isla markaana magaalada Qudus aaney aheyn oo keliya magaalada reer Falastiin balse ay tahay magaalo ka dhaxeysa umadda muslimiinta.

Go’aannadii Halkaas Ka Soo Baxay Waxaa Ugu Muhiimsanaa:

Madaxda dunida muslimka waxaa ay iska diideen go’aanka madaxweyne Trump uu Qudus uu ugu aqoonsaday magaalo madaxda Isra’il, iyaga oo dhinaca kale cambaareeyay siyaasadahaasi lagu waxyeeleynayo hanka umadda Falastiin.

Waxaa mar kale lagu celiyay sida dunida Muslimka uga go’antahay garab istaagga reer Falastiin iyo sidii ay ku heli lahaayeen xuquuq dhameystiran.

Waxaa lagu celiyay in madaxdan ka go’antahay in Isra’il iyo Falastiin yeeshaan labo dal oo si nabad ah kuwada nool iyada oo bariga Qudus tahay caasimadda dalka Falastiin.

Waxaa kale oo lagu baaqay in dadaalladan Aqsa ku saabsan la sii wado, shir kale oo kan la mid ahna lagu qabto magaalada Jakarta ee dalka Indonesia.

Waxaa lagu sheegay war murtiyeedka in go’aanka Trump aanu sharciyad heysan isla markaana uu ka hor imaanayo qawaaniinta caalamiga gaar ahaan kuwa ka soo baxay golaha ammaanka.

Waxaa maamulka Mareykanka dusha la saaray cawaaqib xumida ka dhalata go’aanka iyaga oo Mareykanka u soo jeediyay in uu faraha kala baxo geedi u socodka nabadda ee bariga dhexe.

Waxaa mar kale lagu celiyay in Qudusta Bari ay tahay caasimadda dalka Falastiin.

Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa la faray in dunida uu ka sameeyay barnaamijyo wacyigelin ah oo lagu ogaanayo qiimaha ay Qudus u leedahay Muslimiinta.

Qaramada Midoobey gaar ahaan golaha ammaanka waxaa loogu baaqay in uu meel-mariyo go’aannadii uu horay u gaaray ee ku saabsanaa Qudus.

Goobjoog News