U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobadda 15-ka Ah Ee Heshiiska Iyo Damaca Waallida Ah Ee Imaaraadka Kula Wareegeen Dhulka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

48 saac ayaa ka soo wareegatay tan markii baarlamaanka Somaliland ansixiyeen heshiiska saldhigga Militari uga sameysanayo Imaaraadka  Carabta Airportiga magaalada Berbera, Waqooyiga Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah oo shacabka uga mas’uul ah ilaalinta dhulka iyo dadka, waxaa muuqata in ay aamustay ama la aamusiyay, kama hadlin illaa iyo hadda damaca waallida ah ee Imaaraadka Carabta.

Heshiiskan sida aad hoos ka akhrin doontaa waxaa ku jira qobodobba wax u dhimaya qarannimada Soomaaliya, deegaanka iyo biyo mareenka badda cas.

Imaaraadka Carabta oo laga soo nacay waddamo badan oo gobolka ah sida Itoobiya, Eretria iyo Djabuti ayaa waxaa uu arkay habac-sannaanta nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya, waxaa uu si khiyaanno ku jirto heshiis ula galay maamulka Somaliland taasi oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya iyo qawaaninta dowliga ah.

Heshiiskan oo ka kooban 15 qodob, waxaa uu madaxweynaha maamul-ka gooni u goosadka ah ee Somaliland si  wadajir ah ugu gudbiyay ugana warramay labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiilladda), iyaggoo  cod aqlabiyad ah lagu ansixiyay. waxaana u ogolaaday 144 Mudane, Laba Mudane way diideen, guddoomiyuhuna muu codaynin. fadhigan wadajirka ahaa waxa Guddoominayay Guddoomiyaha Guurtidda Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

Haddaba, qodobbada ugu waaweyn ee heshiiskani waxa uu u qornaayeen sidan:-

Nuxurka Heshiiska Imaaraadka Iyo Somaliland ee Saldhigga Militari:

1.Heshiiska Cidda Wada-galaysa:

  1. B) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland (Kireeye)
  2. T) Dawladda Imaaraadka Carabta (Kirayste)

2.Mashruuca Heshiiska

Saldhig Milateri oo laga yagleelayo Madaarka Berbera

  1. Ujeedada heshiiska:
  2. B) in la xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinnimo ee qotada dheer ee u dhexeeya Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
  3. T) in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo Iskaashiga labada dhinac, ee arrimaha la xidhiidha Nabadgelyada, Horumarka, Dhaqaalaha, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Is-dhex-galka.

4.Ogolaansho Saldhig Milateri

Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku heshiiyeen:

  1. B) in Saldhigga Milateri laga siiyo Dalka Imaaraadka Carabta Magaaladda Berbera.
  2. T) in loo ogolaado in saldhigga ay u isticmaalaan Madaarka Magaaladda Berbera.
  3. J) in loo oggolaado in ay ka samaystaan Jihada Waqooyiga Madaarka, gaar ahaan dhinaca badda, Deked dhismaheedu kooban yahay, taas oo u gaar ah ciidammadooda.
  4. X) In loo ogolaado in ay dib-u-dhis iyo casriyeyn ku sameeyaan dhabbaha diyaaradaha, iyo guud ahaanba garoonka Magaalada Berbera.
  1. Muddada Heshiiska
  2. B) Mudada heshiiska saldhiggu waa 25 sanno, oo ka bilaabmaysa marka ay si rasmi ah u kala saxeexdaan labada dhinac.
  3. T) Mudada heshiiska ka dib, dhammaan wixii dhismayaal iyo kaabayaal dhaqaale laga hirgaliyey Madaarka iyo Dekedda waxay noqonaysaa hanti qaran.

6.Kirada iyo Faa’iidooyinka Saldhigga

  1. B) Saldhigga Milateri Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku bixinaysaa hab kiro ah.
  2. T) Kirada ka waajibta saldhigga mudadan oo waafaqsan nidaamka heshiisyada dabeecaddan oo kale leh, wuxuu dalka imaaraadku ku siinayaa Jamhuuriyadda Somaliland mashaariic horumarineed.
  3. J) Mashaariicda waxa la soo marinayaa, fulinteedana ka mas’uul ah Hay’adda (Abu-dhebi Fund), oo u qaabilsan UAE fulinta mashaariicda horumarineed.

7.Isticmaalka Saldhigga Milateri

  1. B) Saldhiggan waxa isticmaali kara oo keliya Ciidammada Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
  2. T) Waxa reebban in saldhiggan ay adeegsadaan cid kale oo ka baxsan kiraystaha ku cad faqradda sare.
  3. J) Kiraystaha iyo laga kiraystaha labaduba midna cid kale kama kirayn karo goobta saldhigga milateri loo jaangooyey mudada heshiiskani dhaqangalka yahay.
  4. X) Labada dhinac waxa ka reebban in goobta saldhigga milateri ay u isticmaalaan ujeedo ka baxsan ama khilaafsan nuxurka heshiiskani qeexayo.

8.Mashaariicda Horumarineed

Dawladda Isutagga Imaaraadka Carabtu waxay hirgelinaysaa mashaariicda hoos ku xusan:-

  1. B) Dhismaha Waddada Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor).
  2. T) Dhismaha Madaar cusub oo laga hirgeliyo Magaalada Berbera (Civilian and Cargo Airport).
  3. J) Fulinta iyo hirgelinta mashaariic kor loogu qaadayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida (Waxbarashada, Caafimaadka, Tamarta, Biyaha), iyo kaabayaasha sida (Dhismaha Waddooyinka, Madaarada, Dekedaha, iwm), mudnaan gaar ah waxa la siinayaa sidii Magaalada Berbera loogu heli lahaa koranto jaban oo laga haqab beelo.

9.Abuurista Fursado shaqo

  1. B) Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay mudnaan iyo tixgelin gaar ah siinaysaa muwaadiniinta da’yarta xirfadlayaasha ah, ee u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland fursado ay kaga shaqeeyaan dalkooda, mudada heshiiskani dhaqan-galka yahay.
  2. T) Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay ku dhiiri-gelinaysaa shirkadaha waaweyn ee laga leeyahay dalkooda, in ay Somaliland ka sameeyaan mashaariic maalgashi oo abuuri kara fursado shaqo oo gudaha ah.
  3. J) Kiraystuhu wixii uu shaqaale muwaadiniin ah uga baahdo Saldhigga Milateri, wuxuu u marayaa nidaam ku dhisan hufnaan oo ay ka heshiiyeen xuquuqda ka ratibmaysa.
  4. X) labada dhinac waxay fududaynayaan is-dhexgalka iyo isu-socodka muwaadiniinta labada dal.

10.Iskaashiga iyo Adkaynta Amniga

Labada dhinac waxay wada-shaqayn iyo iskaashi buuxa ka yeelanayaan arrimaha soo socda:

  1. B) ilaalinta amniga marin biyoodka Somaliland ee badda cas.
  2. T) la-dagaalanka budh-cad badeedda iyo wax kasta oo khatar ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada mandaqadda.
  3. J) Ka hortagga iyo la-dagaalanka xaalufinta, wasakhaynta iyo sumaynta biyaha badweynta Jamhuuriyadda Somaliland.
  4. X) in la iska-kaashado dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada, sida (Abaaraha, Duufaanada, Dhul-gariirka iwm).

11.Xuquuqda iyo Waajibaadka Saaran Kiraystaha

  1. B) waxa waajib ku ah kiraystaha saldhiga in uu dhawro xuquuqda iyo xoriyadda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Somaliland.
  2. T) Waxa reebban ku xad-gudubka daaqa, duur-joogta iyo deegaanka ku hareeraysan goobta saldhigga laga yagleelayo.
  3. J) Kiraystaha saldhiggu wuxuu si cad u damaanad qaadayaa in aanuu waxyeelo u gaysan ka dhan ah, amniga iyo degenaanshaha guud ahaan mandaqadda, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.
  4. X) Kiraystaha waxa lagu wareejin doonaa dhammaanba dhismayaasha ka jira Madaarka Berbera gudihiisa, wuxuuna si buuxda uga mas’uul yahay daryeelkooda iyo dayactirkooda, ilaa iyo wakhtiga dib loogala wareegayo.
  5. KH) Kiraystuhu isaga ayaa ka mas’uul ah amniga iyo nabadgelyada saldhigga milateri dhexdiisa
  6. D) Kiraystaha saldhiggu wuxuu xurmaynayaa dhammaanba heshiisyada iyo xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka ay saaxiibka iyo bah-wadaagta dhaw yihiin.

12.Xuquuqda Kiraystaha

  1. B) Kiraystuhu wuxuu u madax-bannaan yahay adeegsiga iyo isticmaalka saldhiggan milateri, si waafaqsan heshiiska labada dhinac.
  2. T) Kiraystuhu wuxuu si buuxda u maamulayaa dhulka uu ku fadhiyo saldhigga milateri, mudada uu dhaqan-galka yahay heshiiska u dhexeeya labada dhinac.
  3. J) Xarunta Saldhiggan Milateri waxay leedahay xurmo iyo xisaanad dublamaasiyadeed oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xuquuqda ay siiyaan heshiisyada leh dabeecaddan oo kale.
  4. X) Kiraystuhu wuxuu xaq u leeyahay in aan wax macaash iyo cashuur ah toonna la saarin wixii uu qalab ciidan iyo dhisme uu la soo dego.

Kh) Qalabka iyo Agabka Kiraystaha loo siiyey cashuur dhaafka uma saari karo dibedda, ee wuxuu ku isticmaali karaa Saldhigga gudihiisa oo keliya.

  1. D) Kiraystuhu hantidiisa ayuu ku maalgashanaya wixii uu ku kordhiyo dhismaha jira iyo adeegyada aasaasiga ah, sida (Nalka, Biyaha, Internet-ka iyo isgaadhsiinta), kireeyuhuna waa in uu u fududeeyaa.

13.Maqaadiir (Force Majeure Event)

Ka dib marka Heshiiskan la saxeexo, haddii ay timaado Maqaadiir Eebe ama masiibooyin, aan laga hor-tegi karin ama la joojin karin, sida; duufaanno ama dhulgariir, waxna aanay ka qaban karin labada dhinac, khasaaraha ka yimaada, haddii dhinac xilkii la gudboonaa fulin kari waayo, cidna mag-dhaw looma raaci karo.

14.Xallinta Khilaafaadka (Dispute Resolution)

  1. B) Haddii khilaaf ama is-afgaran-waa ku saabsan Heshiiskan uu ka dhex dhasho labada dhinac (Kiraystaha iyo Laga Kireeyaha), ama la jebiyo qodobo ka mid ah Heshiiskan, waa in labada dhinacba ay isku dayaan in ay ku xalliyaan wixii is-qabad ah ama is afgaranwaa ah, si wanaag iyo saaxiibtinnimo leh, kuna soo afjaraan muddo Soddan Cisho (30) gudahood ah.
  2. T) Haddii labada dhinac, ay xallin kari waayaan khilaafka ama is afgaranwaaga yimi muddo Soddan Cisho (30) gudahood, waxaa lagu xallinayaa dhexdhexaadin (arbitration), iyada oo la adeegsanayo Xeerrarka Caalamiga ah ee London Court of International Arbitration (LCIA), dhagaysiga dacwadduna ka dhici doono Magaalada London.

15.Joojinta Heshiiska iyo Waxa Ka Dhallan Kara (Termination and Consequences):

  1. B) Labada dhinac ee heshiiskani ka dhaxeeyaa waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka baxaan Heshiiskan, hadii dhinac gudan-waayo waajibkiisa, sida Heshiisku uu dhigayo.
  2. T) Labada dhinac, waxa ay xaq u leeyihiin in ay adeegsadaan Xeerarka Caalamiga ah ee London Court of International Arbitration (LCIA), si ay u helaan wixii magdhow ah ee ay ku dacwoodaan.

W/Q: Cabdi Casis Axmed Gurbiye, 

Email: [email protected]