U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobadii Ugu Muhiimsanaa Ee Khudbadaha Madaxdii Ka Hadashay Furitaanka Baarlamaaka

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta dugsiga Gen. Kaahiye lagu qabtay xafladda furitaanka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Xafladda waxaa joogay Madaxweyne Farmaajo, guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Ra’isul wasaare Kheyre iyo qaar ka tirsan golihiisa wasiirrada, wakiillo ka socday dowlad goboleedyada, ergayga Qaramada midoobey ee Soomaaliya, ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya, safiirka Turkiga iyo marti sharaf kale.

 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wax badan la qabtay, haddii wadashaqeyn la helana laga adkaan karo dhibaatooyin badan..

Guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday midnimada dalka isaga oo soo jeediyay in dadka loo dirayo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland lagu xulo wadaniyad, isla markaana aaney xambaarsaneen xamaasad iyo caadifad qabiil, waxaa kale uu soo jeediyay in laga wada shaqeeyo dastuurka iyo arrimo kale.

Xaashi ayaa intaasi ku daray in si loo gaaro Midnimo dhab ah ay muhiim tahay in la helo dib u heshiisiin dhab ah, wuxuuna  intaa raaciyay in meelo Dalka ka mid ah ay ka jiraan colaado Siyaasadaysan, wuxuuna codsaday in loo guntado sidii loo xallin lahaa, taasoo ay hormuud ka yihiin Culimaa’udiinka, wax garadka Bulshada iyo Fannaaniinta Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhankiisa ka hadlay qeybaha kala duwan ee ciidamada sida Militariga oo mas’uul ka ah dhulka, hawada iyo badda, Booliiska amniga gudaha, Nabad sugidda oo ah sirdoonka, asluubtana  oo u xil-saaran dhaqan celinta, waxaa uu soo jeediyay in hey’adahaasi iyo qaar kale loo baahan yahay in la federaaleeyo, lana waafajiyo dastuurka.

Jawaari, waxaa uu si faah-faahsan uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay golaha shacabka, kormeerka iyo korjoogteynta hay’adaha ay guddiyadaha golaha shacabka isku shaqada yihiin iyo in ay wax badan ka qabteen arrinta dib-u-eegista dastuurka, dib-u-habeynta iyo federaaleynta laanta gasroorka, dejinta shuruucda iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca oo u xilsaaran ilaalinta gobonimada qaranka iyo hay’adaha sugidda amniga dalka ee heer federaal.

Ugu dambeyntii, waxaa goobta ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaga oo sheegay in amniga wax badan laga qabtay, waxaa kale oo ka hadley sida ay dowladda u soo dhoweysay horjoogayaal ka soo goostay Al-shabaab, isla markaana ay soo dhoweynayaan ciiddii ka soo baxda kooxaha argigixsada.

Hawada: Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ku dheeraday waxqabadka dowladiisa sida soo celinta hawada Soomaaliya taas oo sida uu sheegay qeyb ka aheyd xaqiijinta madaxbannaadida dalka iyo qarannimada, Sugidda amniga, ilaalinta hawada, dhulka iyo badaba.

Kobcinta dhaqaalaha:  Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dakhliga dowladda uu sanadkii 2016-ka ahaa 4.6%, , lana  gaarsiiy sanadkii tagay 7.2%, oo uu ku yimid koror, sababta waxaa uu ku sheegay la dagaalanka musuqa iyo hufnaanta, isaga oo ballan-qaadey in ay sii wadi-doonaan, waxaa uu aqalka sare ka codsaday in ay dedejiyaan meel-marinta hindise sharciyeedka  la dagaalanka musuqa oo baarlamaanka horyaallo.

Madaxweynaha, waxaa kale oo uu baarlamaanka labadiisa aqal ka codsaday in ay si dhaqso ah ku meel mariyaan illaa 14 hindise sharciyeediyo heshiisyo caalamiga oo ay xukuumadda soo gudbisay.

Hey’adaha Lacagta: Waxaa soo qaatay sida IMF iyo Bangiga adduunka u ammaaneen  qaab xisaabeedka  dowladda federaalka ah iyo hufnaanta, taas oo sahli-doonta in deymaha la cafiyo.

Mushaar: Farmaajo waxaa uu ka hadlay in Shaqaalaha dowladda ay lacagta mushaarka ah ugu dhacdo account toos si aan loo musuqin, isaga oo dhiiri-geliyay in sharciga la ixtiraammo.

Dhanka Garsoorka, Waxaa uu Farmaajo sheegay in ay wadaan daraasad iyo xaqiiqo raadin la xiriirta cabasho ka yimid maxkamadaha iyo cadaaladda.

Dib-u-eegista dastuurka: Madaxweyne Farmaajo waxaa uu ammaanay qaabka u socoto dib u eegista dastuurka iyo shaqada labada guddi ee midka baarlamaanka ah iyo midka madaxa-bannaan isaga oo ku dardaarmay in la sii wado wada tashiga lala yeelanayo Banaadir iyo maamul goboleedyada.

Xiriirka arrimaha dibadda, waxaa uu Farmaajo sheegay in  ku dhisan yahay xushmo iyo wada shaqeyn, si loo xoojiyo  danaha aan wadaagno, isla markaana dowladiisa ay qaadatay siyaasad ku dhisan furfurnaan si loo adkeeyo xiriirka caalamka, loona macaamilo si simman, waxaa soo qaatay soo celinta boqollaal dhalinyaro ku xirnaa ama ku jiray xabsiyo shisheeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa dalalka dibadda uga digay fara-gelin, isla markaana aan la aqbali-doonin heshiis aan loo marin waddada saxda ah, isaga oo sheegay in shacabka yihiin waddaniyiin.

“Soomaaliya waxaa ay diyaar  u tahay Maalgashi iyo ganacsi ay la wadaagto caalamka, cidkastoo dooneysa iney maal gashato Soomaaliya waa iney ogolasho ka hesho hey’adaha sharciga ah ee dowladda, waxaan uga digayaa wadamada iyo shirkadaha shisheeyey ineysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed”.

Ururro Caalami Ah: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Farmaajo, waxaa uu sheegay in dowladiisa ay daneyneyso ku biirista Ururka COMESA, sidii qeyb looga noqon lahaa  suuqa ganacsiga ee mideeya bariga iyo koonfurta afrika

Isla arrintaas waxaa auu ka hadlay in uu jiro qorshe lagu dhisayo urur goboleed ganacsi oo ay yeeshaan wadamada geeska afrika, kaas oo horseedi doona horumar dhinacyo badan taabanaya oo ay ka mid yihiin nabad galyada iyo dhaqaalaha

Mr. Farmaajo waxaa kale oo uu labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah u sheegay in dowladiisa arji u qoratay sidii ay uga biiri laheyd The East African Community (EAC) .

Dowlad gooleedyada: Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in wada shaqeyn kala dhaxeeyo, si loo hormariyo danta dalka iyo dadka,  si waafaqsan dastuurka KMG ah ee dowladda federaalka ah,  xiriirkaas oo sida uu sheegay maraya heerkii ugu sareeyay, oo ku dhisan wada tashi  iyo Midnimo.

Doorashada Qof iyo Cod: Madaxweyne Farmaajo waxaa sheegay in khubaro loo  saaray nooca doorasho oo ku haboon, isaga oo intaasi raaciyay in doorashada soo socota ay dadka dooran doonaan gole deegaan, baarlamaanka iyo madaxweynaha qaranka haddii la isku raaco.

Si doorasho u dhacdo, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay xisbiyo iyo diiwaan-gelinta dadweynaha miyi iyo magaalo.

Safarkii Dib-u-heshiisiinta: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa kale uu ka hadlay safar 17 maalin qaatay ee uu ku tagay gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galgaduud, isaga oo sheegay in halkaasi dib u heshiisiin ka soo fuliyeen magaalooyinka Galkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb, Xeraalle, iyo Cabduwaaq, waxaa kale uu ammaanay wasiirka 1aad ee Galmudug Sheekh Shaakir oo dib u heshiisiin ka sameeyay Guri-ceel iyo Balan-balle.

Arrinta Soomaaliya iyo Somaliland: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ka hadlay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland“Waxaan dhawaan bilaabi doonaa wada-hadalka aan la leenahay Somaliland dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin wixii khilaaf ahna waxaan ku dhameyn doonnaa miiska wada hadalka”

Goobjoog News