U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobbada Ay Farmaajo Kula Heshiiyeen Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta kulan gaar yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo mas’uuliyiin ka socota madasha xisbiyada qaran sida madaxweyneyaasha Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Qodobada Madaxweyneyaashu ka wada haldeen, la iskuna afgartay:

1. Farmaajo wuxuu ka garaabay kana soo hoyday ficiladii foosha xumaa ee ay kula dhaqmeen Madaxweyneyaashii hore.

2. Waxaa la isla gartay doorashada hay’adaha dastuuriga ah oo dhan in ay xiligeedii ku dhacdo. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ka heshiiyaan modelka doorashada 2020 – 2021

3. Inla dhowro dastuurka, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

4. Ciidamada siyaasada in laga dhex saaro. Siyaasiintuna aysan amniga siyaasadeyn.

5. La dagaalanka Alshabaab in meel looga soo wada jeesto.

6. Qodobo kale oo laga wada hadlay lkn lagu balamay in marka la iskaga yimaado oo laga wada hadlo ayaa jira.

Dhinaca kale, ilo gaar ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inuu Farmaajo berri subax 10-ka subaxnimo casuumay hoggaanka dhammaan xisbiyada qaran si arrimahan loogala hadlo.

Goobjoog News