U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobbada Dastuuriga Ah Ee Lagu Eedeeyey Farmaajo Inuu Ku Xad Gudbey

Sheeko:Dalka

Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee axaddii shalay uu qabtay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa xildhibaannada mooshinka keenay waxaa ay xuseen qodobbo dastuurka federaalka ah ku jira oo ay sheegeen inuu ku tuntay ama ku xad-gudbay madaxweyne Farmaajo.

Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa qodobbada ay soo qaateen oo faah-faahsan.

(1). Waxaa ay qoreen inuu ku xad gudbey qodobka 36aad ee dastuurka federaalka ah: Qodobka 36aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Federaalka ayaa xeerinaya in isucelinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha dhexmari kara Jumhuuriyadda Soomaaliya iyo Dowlad kale ay ku dhici karto oo kaliya si waafqsan sharciga iyo in uu jiro:
b) Heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.
t) In ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha.

(2):  Inuu ku xad gudbay qodobka 10aad iyo 35aad ee dastuurka federaalka ah, haddii aan qodobadan faah-faahinno.

waxaa mooshinka ku jirtay, waxuu Madaxweynaha si aan ganbasho lahayn ugu xadgudbay qodobka 10aad ee dastuurka farqadiisa 1aad, 2aad iyo 3aad, oo dhamaantood tilmaamaya ilaalinta karaamada aadanaha iyo in aan marna awoodda dowladda loo isticmaalin meel uga dhicida karaamada aadanaha.

Qodobka 10aad: Karaamada Aadanaha: (1). Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa (2). Karaamada Aadanaha waa laguma-xadgudbaan, dhawristeeduna waa waajib saaran dadka oo dhan.

Waxaa kale oo la sheegay inuu madaxweynaha ku tuntay qodobka 35aad ee dastuurka ee si cad u qeexaya ilaalinta xaquuqda eedeysanaha, qaas ahaan. In aan qofna lagu qasbi karin dembi-qirasho. In mudo 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh. In xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa. In Eedeysanaha aan lagu hayn karin goob aan sharcigu bannayn iyo xaqa uu u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca.

QAYBTA 2AAD: Ku xadgudub Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana la soo qaatay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) iyo qodobka 36aad ee dastuurka

Qodobka 36aad: Isucelinta eedeysanayaasha: (1).  Isucelinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka  Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.(2)  isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha.

  1. Inuu k u xad gudbay qodobka 87aad, faqradiisa 2aad (Astaanta midnimada qaranka), 90aad, faqradiisa (c, J, q), 109A IYO 111A EE DASTUURKA FEDERAALKA:, Heshiisyada uu la galay madaxda Itoobiya iyo Eretrea.

Qodobka 90aad, faqradiisa (c, J, q) waa sidan:

(J).Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu,.

(C).Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu.

(Q). Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo.

Qodobka 109A Golaha Adeegga Garsoorka

(1)        (1). Dastuurkani wuxuu asaasayaa Golaha Adeegga Garsoorka.

(2)        (2). Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu ka koobnaanayaa sagaal xubnood, oo kala ah sida soo socota:

(a)      Garsooraha Sare ee Maxkamadda Dastuurka;

(b)      Garsooraha Sare ee Maxkamadda Sare

(c)      Garyaqaanka Guud

(d)      Laba Garyaqaan oo sare oo ka tirsan garyaqaanadda Soomaaliyeed, oo mid walba xilli afar sanno ah ururka garyaqaanadda ay magacaabeen.

(e)      Qofka Guddoomiyaha ka ah Guddiga Xuquuqul Insaanka; iyo

(f)       Saddex qof oo xushmad sare ku dhex leh bulshada rayidka ah oo uu soo jeediyay Golaha Wasiiradu ka dibna uu u magacaabay madaxweynuhu xilli afar sannadood ah.

(3)        Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorku waxay dhexdooda ka dooranayaan qof u noqda Guddoomiyaha Golaha Adeegga Garsoorka.

(4)        Xubinta Golaha Adeegga Garsoorku waxay xilka hayn kartaa hal xilli oo shan sannadood ah, oola cusbooneysiin karo mar keliya.

(5)        Wixii Sharci ama qanuun ay sameystaan Golaha Adeegga Garsoorku), oo khuseeya anshax marinta Garsoorayaasha heer Federaal, wuxuu sharcigaasi sidoo kale qabanayaa xubinta Golaha Adeegga Garsoorka.

(6)        Sida sharciga ama xeerkuba dhigayo, Golaha Adeegga Garsoorku waa in uu:

(a)      Magcaabaa, anshax mariyaa isla markaana beddelaa xubnaha garsoorka ee Federaalka;

(b)      Go’aamiyaa mushaharka iyo lacagta hawlgabka ee garsoorayaashaa;

(c)      Dejiyaa shuruudaha shaqo ee garsoorkaa.

Qodobka 111 A. Golaha Adeegga Garsoorka:

(1)        Waa inuu jiraa Golaha Adeegga Garsoorka, Golahaasoo kala talinaya Caddaaladda iyo Federaal Dawladda arrimaha ku sabaasan maamulka caddaaladda oo ay ka mid tahay qoritaanka, shaqo ka saaridda and talaabo ka qaadista Garsoorayaasha.

(2)        Golaha Adeegga Garsoorka waa in uu madax banaanaadaa, dhexdhexaad noqdaa uu hal dhinac u xaglin uu xaqiijiyaa madax banaanidda cadaladda.

(3)        Golaha Adeegga Garsoorka waxa uu lahaanayaa awood, iyo hawlo loo xilsaaray oo ku sheegan Dastuurka iyo Sharciyadda Qaranka.

QAYBTA 4AAD Ku xadgudub Mabaadi’da Federaalka, duminta dowlad goboleedyada iyo abaabulka dagaalo sokeeye, iyaga oo soo qaatay  QODOBADA 50AAD, 51AAD, IYO 53AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA.

Qodobka 50aad. Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kaleba, waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da Federaalnimada; kuwaas oo ah:

(a)      Heer kasta oo xukuumadeed waa in ay haysato kalsoonida iyo taageerada dadweynaha;

(b)      Awood walba waa in la siiyo hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta;

(c)      Jiritaanka iyo joogtaynta xiriirro iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo ka dhexeeya Dawladaha xubnaha ka ah federaalka dhexdooda iyo dawladaha xubnaha ah iyo Dawladda Federaalka ah;

(d)      Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyaddu Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah;

(e)      Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado;

(f)       Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin karta;

(g)      Khilaafaadka oo wadahadal iyo dib-u-heshiin lagu xalliyo.

Qodobka 51aad. Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Heer kasta oo Dawladeed ha ahaadeen heerar siman ama kuwo kala sarreeya waa in ay yeeshaan xiriir iskaashi oo wanaagsan

(1)        Dawlad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale, waana in ay:

(a)      La yeelataa xiriir walaaltinnimo oo wax-ku-ool ah heerarka kale ee Dawladaha, una horseedaa midnimada muwaaddiniinta;

(b)      Heer kasta oo Dawladeed waa in ay ku wargelisaa heerarka kale siyaasadaha iyo hawlgallada ay ka fulineyso degaannadeeda oo saamayn ku yeelan kara degaannada heerarka kale;

(c)      Yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah.

(2)        Si loo xaqiijiyo jiritaanka iyo horumarinta xiriirada iskaashiga Federaaliga ah waa in la joogteeyo kulan sanadeed ay wada yeeshaan madaxda fulinta Dawladda Federaalka iyo Madaxda Fulinta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka si ay isula meeldhigaan:

(a)      Adkaynta Midnimada Qaranka;

(b)      Sugidda ammaanka iyo Nabadgelyada Dalka;

(c)      Horumarinta dhaqan-dhaqaalaha qaranka iyo suuqa mideysan ee dalka;

(d)      Horuumarinta baraaraha shacabka;

(e)      Isdhaafsiga macluumaadka.

(3)        Dhammaan heerarka Dawladaha waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.

Qodobka 53aad. Wada-xaajoodyada Caalamiga

(1)        Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.

(2)        Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad-goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

(3)        Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeeduna ka muuqdaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

(4)        Sharci Baarlamaank Federaalku ansxiyay waa inuu xeeriyo:

(a)      Samaynta hay’ado iyo habraacyo fududaynaya wada falgelidda heerarka Dawladda;

(b)      Samaynta hay’ado habaraacyo fududaynaya xallinta khilaafaadka ka dhex dhasha heerarka Dawladda inta aanay u gudbin maxkamad.

QAYBTA 5AAD Ku xadgudub Mabaadi’ida Ciidamada Amniga, Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida (XCCQS) iyo Qaraaraadka Goleyaasha Barlamaanka:
6. KU XADGUDUB QODOBKA 127AAD EE DASTUURKA FEDERAALKA

Qodobka 127aad. Mabaadi’ida Ciidamada Amniga

(1)        Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi’da soo socota:

(a)      Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;

(b)      Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;

(c)      U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

(d)      Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan;

(e)      Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed; iyo

(f)       Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qayb ka tahay.

(2)        Muwaadin kasta oo Soomaali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn , iyadoo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta.

  1. KU XADGUDUB QODOBKA 21AAD, 22AAD, 23AAD EE XEERKA CIQAABTA CIIDAMADA QALABKA SIDA
    Madaxweynaha waxuu si mas’uuliyad darro ah uu darajada ciidanimo uga xayuubiyay ciidan kana uga saaray Taliye Xigeenkii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sareeye Guuto Abdalla Abdalla iyadoo uusan Madaxweynaha usoo marin hanaan waafqsan sharciga tilaabooyinkaan uu qaaday. Sida ku cad Xeerka Cibaaqta Ciidamada Qalabka Sida ee (Xeer Lr. 2 ee 31-dii Maarso 1963) qodobkiisa 21aad, 22aad iyo 23aad, darajo dhimis iyo shaqo ka joojin ama ka casilid ciidan sida uu tilmaamayo xeerkaan waxaa la sameeynayaa marka uu dhaco xukun maxkamadeed. Tusaale:
    1) Darajo dhimis sarkaal waxay imaanaysaa marka uu ku dhaco xukun maxkamadeed oo ka badan 3 sano.

2) Ka saaridda sarkaal ciidamada waxay imaanaysaa marka uu ku dhaco xukun xabsi daa’in ama ka badan 5 sano.
Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu si bareer ah u jabiyay Xeerka Cibaaqta Ciidamada Qalabka (Xeer Lr. 2 ee 31-dii Maarso 1963) qodobkiisa 21aad, 22aad iyo 23aad, taas oo si cad uga hor imaanaysa qodobka 87aad, faqradiisa 2aad ee si cad u qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu xilkiisa u guto si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

8. KU XADGUDUB QARAARAADKA GOLEYAASHA BARLAMAANKA
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ku tuntay qaraarkii Golaha Shacabka uu soo saaray 30 April 2017 ee dib-u-habaynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Madaxweynuhu waxa uu baalmaray xeerkii dhowridda gobonimada iyo midnimada geyiga Soomaaliyeed ee Goleyaasha Barlamaanku ansixiyeen bishii Maarso 2018 qodobkiisa 1aad ee ku waajibinayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka in uu saxiixo.

Goobjoog News