U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobbada Ugu Muhiimsanaa Hadal-jeedinta Jawaari

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta istiqaaladiisa u gudbiyay golaha shacabka isaga oo yiri “Maanta oo bisha Abriil tahay 12, 2018 waxaan Golahan sharafta leh hortiina u imid in aan rasmi ahaan idinku wargeliyo inaan xilkii ammaanada ahaa ee Allahu swt ka sokow aad idinku igu ammaansateen idinkoo wada fadhiya aan idin soo celiyo. Waxaan idinka codsanaya inaad xil-hayntii Guddoonka aad iga cafisaan istaqqaleydana iga oggolaataan.

Mar uu ka hadlayey in jagada lacag laga siistay “Maalmahan dambe waxaa jiray in kuwo Allah-ka-cabsiga ku yaryahay ay baraha bulshada ku tebinayeen lacago malaayiin ah layga siistay istiqaalada xil-ka-degidda. Hadaba anigoo ku taagan nuxurka dhaartaas aan horey usoo maray, waxaan si Alla-ogaan ah u rabaa inaan hortiina ka caddeeyo in aysan jirin wax dhaqaale ah oo laygaga iibsaday isqaaladda dhiibideeda, laa Dawladdeena walaa dawlad shisheeye. Ayadoo markhaati iyo goobjoog ahaayeen markii Aniga iyo Madaxweynaha arrinka ka wada xajooneynay waxay ahaayeen arrimo muhiim u ah qarannimada iyo jiritaanka dawladnimada dalkeena, kuwo u dan ah xasaanadda xubnaha iyo xurmada xarunta Golaha Shacabka.

Jawaari waxaa uu wax weyn ku sheegay isaga oo ka tagayo xafiiska xilli ay Xildhibaannada wada joogaan, oo la mideysan yahay “Mudaneyaal, Guddoomiyenimada ka hor waxaan ahay Soomaali. Allahu swt wuxuu igu mannaystay nicmooyin badan oo aan koobi karin… waa Alxamdullillaahi … Mahad Asagaa leh swt. Wuxuu kaloo igu mannaystay oo uu   nasiib ii siiyey inuu ii xilqaamay inaan muddo lix sano ku dhowaad hoggaamiyey xafiiskan sare oo ah hoyga dawladnimada iyo hay’adaha dawladda laga unkiyo, ahna halka kayd-haynta u ah kuna dhowraarsan tahay gobannimada iyo sayaadada qaranka laguna ilaaliyo … taasna waa Mahad Allah Alxamdulillah – haddana Swt qaddaray inuun mar kale igu mannaysto nicmadan weyn, oo ah  in  maanta sidka  xilka  iyo  culayskii uu  lahaa  iga  dejiyo, ayadoo  xubnihii Golaha Shacbiga oo kulansan, oo mideysan aan kala jabnayn

Maxamed Cusmaan Jawaari waxaa uu Xildhibaannada kula dardaarmay in ay ogaadaan xogta waxa ay ogolaannayaan ama diidayaan “Waxaan guud ahaan u mahadinaya dhammaan xildhibaanada dhan walba ay mooshinka ama soojeedinta uga soo jeedeen kuna ammaanan yihiin adeegsiga agabka dastuuriga ay adeegsadeen.  Waxaan  mar  kale  xildhibaannada  xusuusinaya  markii  tirada  guud  ee shacbiga Soomaaliya loo qaybiyo 276, xildhibaan kasta oo Golahan ka mid ah wuxuu u dhigmaa oo mattala dhor iyo konto kun qof soomali ah. Saa daraadeed, waxaa iga dardaar ah fadlan markii aad codeyneyso oo aad wax oggo’aaneyso adigoo xog ogaal ah ku oggolow, haddii aad wax diideysana xog ogaalnimo ku diid, sidoo kale markii aad wax saxiixeysona haku degdegin ee xog ogaalnimo ku saxiix.

Sarreynta Sharciga mar uu ka hadlayey waxaa uu sheegay “Taniyo intii ay bilaabatay mashkaladda mooshinkan, aniga iyo tiro badan xildhibaanno ah ma codsanin waxa kale aan ka ahayn laba arrimood, oo kala ah: (1) in sarraynta sharciga la ilaaliyo   oo   codeyn   dastuurka   iyo   Xeer-hoosaadka  waafaqsan   lagu   xalliyo;   ama (2) wadahadal iyo xal siyaasadeed lagu soo afjaro. Intaas waxaa dheer inaan si buuxda u wada oggolaanay talo kasta la soo jeediyey oo labadaas qodob u dhow. Waase loo dhego nuglaan waayey.

Jawaari waxaa uu ka hadlay sababaha ku kalifay inuu qaato go’aanka istiqaalada

  1. a) Anigoo garwaaqsan waxaan  doorbiday  inaan  ka  mid  noqdo  xallinta  azmada siyaasadeed ee ka aloosantay mooshinkan, oo aan qayb ka noqon carqaladeynta xal-ka-gaarista mashkaladda;
  1. b) Waxaan garwaaqsaday haddii mashkaladdan aan dhakhso loo soo afjarin, waxaa ii muuqday saansaamo usii tarmi karay ama sababi karay burburka Golaha Shacabka ama ugu yaraan waxyello weyn u geysan karo bedqabka iyo haybadda Golaha Shacabka. Waxaan doorbiday in aan u istaagno jiritaanka iyo bedqabka Golaha iyo midnimada xubnaha Golaha;
  1. c) Haddii aan goor hore usha dhaxda laga qaban waxaa ii muuqatay in Goluhu qarka u saarnaa in  uu  qaato  go’aanno  garabmarsan  Dastuurka  iyo  Xeer-hoosaadka, taasoo noqon lahayd barmadow oo taariikhda dalkeena weligeed ka tirmin. Saa daraadeed waxaan doorbidnay inaan Goleheena lagu eedeyn kana badbaadino inuu baalmaro sarraynta sharciga iyo ama ku kaco wax baalmarsan dhaqan-wanaagga dimuqraadiyadeed ee baarlamaaniga ah;
  1. d) Markii aan arkay wax u eg cudud sheegasho, waxaa si dhow iigu muuqatay in sii socodka kala aragti  duwanaashada  dhexdeena  dhaawac  lasyku  gaarsiiyo  ama dhiigba daato. Saa daraadeed ma oggoli, mana oggolaan karin in daraadeyda uu qofna dhaawac ku gaaro;
  1. e) Waxaan garwaaqsaday in shacbigeena, oo naga sugaya in aan ka shaqayno sugidda iyo ilaalinta gobonimada iyo dhisidda iyo dhidibbo u aasidda hay’adaha dawladnimada, iyo in laga samatabxiyo xaaladaha cakiran, shacbigeena oo aad u dhibban ma mudna, ma istaahilo mana xammili karo khilaaf siyaasadeed dheeraada;
  1. f) Waxaan garwaaqsaay oo aan tixgelinay talooyiinkii akhyaarta shacbiga iyo xildhibaannada Labada Aqal ee BFS si joogta ah noogu soo tebinayeen, talooyinkooda oo u badnaa: “in la kala roonaadaa roon” – waa marag madoonto, dawladnimadeenan oo aan weli tigaadin haddii aan loo turin in jiritaankeedu khatar galayo. Saa daraadeed waxaan doorbidnay in aan anaga ka roonaano, oo maanta amaanadii xilqaanka Guddoonka Golaha, oo aad ii igmateen 11th Jannayo 2017 aan si deggan dib  idinku  soo  celiyo  si  waafaqsan  Dastuurka  iyo  Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Sababahaas oo aan garwaaqsaday iyo kuwo kale oo badan aan halkan ka sheeegi karin baa gundhig u ah inaan tanaasulo.

Ugu dambeyntii, waxaa uu sheegay in 15 maalin ku wareejin doono xilka“Idinkuna  ii  ballanqaada  ilaa  iyo  inta  aan  ka  ilaabayo  Guddoomiyenimada, maalmahan hore inaan is booqashada badino, maadaama shan sano iyo dheeraad aan meel ku xirna, haddaan madax-bannaanaaday ee aad i bartaan Xamar meelaha laga galo iyo meelaha xildhibaanada ku caweeyaan.

M.ne Guddoomiye, si waafaqsan dhaqanka dawladeedka, laga bilaabo maanta uunbaad tahay Ku-sime Guddoomiye,

Aan u hawlgalno muddo 15 beri gudahood inaan doorano Guddoomiyeheena Cusub, aniguna muddadaas gudaheed aan u hawlgalo diyaarinta xil-wareejinta rasmiga ah ee maamulka iyo hantida Golaha.

Goobjoog News