U bood dhigaalka

Akhriso Sababaha Uu Farmaajo U Booqanayo Turkiga Berri

Sheeko:Dalka

Madaxweynaah Jumhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Maalinta berri ah ku wajahan dalka Turkiga kadib markii uu Casuumaad ka helay dhiggiisa Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Turkiga u tagaya ka qeyb galka Shirka 6-aad ee Xisbiga Cadaaladda iyo horumarinta kaasi oo dhacaya 18 August oo ku beegan berri.

Labada hoggaamiye ayaa waxaa ay ka doodi doonaan xiriirka laba geesoodka ah, Iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo dhiiro-gelinta ganacsiga iyo Maalgashiga.

Goobjoog News