U bood dhigaalka

Akhriso: Sababka Loo Dilay 5 Ka Mid Ah Qoyska Reer Abshirow, Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa xalay si wadar ah hal meel loogu dilay qoyska reer Abshirow, arrintaas oo fajac gelisay magaalada Muqdisho, 5 ayaa goobta lagu dilay halka 4 kale la dhaawacay.

5-ta dilay oo ilmo adeer ahaa waxaa ay joogeen guriga Xuseen Abshirow, oo ku yaalo Wadajir, ee koonfurta Muqdisho, waxaana ku jira cunug yar.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Cusmaan Abshirow  iyo walaashiisa, waa 4 qof, waxaana lagu dhabiibayaa Cusbitaalka Daaru Shifa ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uul ka tirsan qoyska reer Abshirow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrintan ay tahay aano qabiil, oo la xiriirta shabeelada hoose.

Goobjoog News